GUMAYSI QABOOW: Shiinaha oo la wareegi raba garoonka dayuuradaha ugu wayn Zambia

0

(Lusaka) 17 Sebt 2018 – Haddii aad rah ku tuurto biyo karkaraya markiiba wuu ka boodayaa, balse hadii aad raha dhex dhigto biyo qaboow ee aad deeto si tartiib tartiib ah u diiriso, wuxuu heerkulka jirkiisu aqbalayaa biyahaa sii kululaanaya oo uu marka dambe si doqonnimo ah ugu dhimanayo.

Waxaa taas la mid ah sida uu Shiinuhu ula wareegayo hantida Afrika, wax lagu sheegay gumaysi qaboow oo ay dib u galeeyso Afrika oo haatan si wayn ugu qaamaysan Shiinaha, oo dalalka Afrika oo hoggaanka ka dhintay madaxdooda siinaya wax u eg laaluush cawaaqib xun reebaya.

Dowladda Zambia ayaa kaddib markii ay bixin wayday qaan ay ka qaadatay dalka Shiinaha, waxay Beijing soo jeedisey hindise ku aaddan, in lagu wareejiyo garoonka Kenneth Kaunda International Airport haddii ay Zambia xilligii loo qabtay ku keeni waydo amaah lagu leeyahay.

Hana moodin inay intaa uun tahay; Chinese-ku waxay leeyihiin saami dhan 60% Zambian National Broadcasting oo ay afka ay wax ka maqlaan Zambian-ku, taasoo ka dhigan inay jihaysan karaan ra’yul caamka dalkaasi.

Shiinaha ayaa la wareegay hantida ma guurtada ah iyo sharikaadka heer qaran ee dalal badan oo Afrikaan ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin kuwa qodaalka macaadinta qaaliga ah.

Hadalsame Media