”Qori caaraddii ku heshiin mayno” – Shiinaha oo arrin xasaasi ah ka diiddan Maraykanka!

0

(Beijing) 17 Sebt 2018 – Beijing ayaa sida lasoo werinayo diiddan yabooh ka yimid Washington oo ku aaddan inay galaan wada hadallo cusub oo dhanka ganacsiga ah, jeer ay taagan tahay doodda diblomaasiyadeed ee ka dhalatay tarriifadada Donald Trump.

Yeelkeede, Shiinaha ayaa ka caga taallaynaya inuu wax wada hadal ah arrintaa kala yeesho Maraykanku iyadoo lagu jiro duruufta haatan taagan, taasoo ay u aragto cadaadis aan loo marin dhabbe wanaagsan, balse ku dhisan Maraykanka oo mar qura tariifo soo rogey misna doonaya in lala xaajoodo, sida ay sheegeen saraakiil sare oo Chinese ah oo uu soo xigtey Wall Street Journal.

©AFP
Shiinaha ayaa jecel inay ka war dhoowraan doorashada xilli-dhexaadka ee Maraykanka

“China marna ma dhihin wada hadal Maraykan dooni mayno,” ayuu yiri Yang Weimin, oo ah la taliyihii hore ee dhaqaalaha iyo xiriirka caalamiga ah ee madaxwayne Xi Jinping, oo u warramay WSJ. Wuxuu ku daray, in si kastaba, ay tahay in ay Washington marka hore “daacadnimo muujiso” taasoo ku aaddan in la xalliyo muranka ganacsi ee labada dal. “China wada hadal ku aqbali mayso iyadoo qori madaxa looga hayo,” ayuu yiri sarkaalkaasi, iyadoo mugdi gelinaysa wada hadalkan oo lagu wadey dabayaaqada bishan.

Hadalsame Media