Booliiska Britain oo soo bandhigay dhar loogu tala galay haweenka Muslimka ah!

0

(London) 17 Sebt 2018 – Booliiska Britian oo soo saaray dhar u gaar ah dumarka muslimka ee katirsan baliiska.

Waaxda shaqaaleynta ee ciidamada booliiska Britian ayaa soo bandhigay dhar cusub oo loogu tala galay dumarka muslimka ah ee booliiska ka tirsan. Dharkaan ayaa waxaa ku jira shaati dheer oo gaaraya jilbaha kaas oo u sameysan sida cabaayadaha oo kale.

Shaatigaan ayaa la sheegay in aanu muujineyn qaab dhismeedka jirka ee dumarka. Talaabadan ayaa mid lagu soo jiidanayo dadka laga tiro badan yahay iyo kuwa soo galootiga ah oo aad ugu yar baliiska.

Booliiska Britian ayaa waxaa lagu sheegaa inay tahay hay’ad dadka kale ee dalkaan soo galay iyo muslimiintuba ku yar yihiin.

Hadalsame Media