DUQII HORE Ee MUQDISHO: 14-ka October, Maalintii mugdiga aheyd ee Musiibada Qaran inagu dhacday

0

(Muqdisho) 17 Sebt 2018 – Qaraxii isgoyska Soobe ee Magaaladda Muqdisho oo dhacay maalin Sabti ah 14-Kii October 2017, ayaa waxaa ku naf waayay dad 700 halka in ka badan 400 ruuxna ku dhaawacmeen.

Duqii hore ee Magaaladda Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay in dhacdaasi ay tahay murugo oo taariikhdu aysan hilmaamin doonin wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inaysan si fudud ku hilmaamin dhiiga walaalahood la suuqay.

Halkan Hoose ka Aqriso Fariinta uu Thaabit soo dhigay bartiisa Facebook

#14kaOctober, Maalintii mugdiga aheyd ee Musiibada Qaran inagu dhacday, dhowr usbuuc kadib waa ay sanad jirsandoontaa. 14 October 2017 waxay aheyd maalintii ugu murugada badneyd abid ee umaddeena soo martay, waxaa mar qura isbedelay waxwalba; hooyooyin ayaa caruurtoodii aasay, aafoobay ama gabi ahaanba waayay. Caruur baa iyagana waalidkoodii aasay amaba waayay. Riyadii dhalinyarada Soomaaliyeed, rajadii dalka iyo raasulmaalkii shacabka ayaa qaddar gudihiis si arxan la’aan ah loo dhaawacay. Hanti hadalkeedaba daa! Naxariistii janno Allaha siiyo dhamaan.

Waa maalin mudan in aan si weyn u xusuusanaa inaga oo mid ah una mideysan xurmeynta dadkeenii musiibadaasi aafeysay. Waxay aheyd #MusiiboQaran, waxaa xigay #GurmadQaran, waxaanu uga gudubnay #MidnimoQaran.

Waxaan ugu baaqayaa dhamaan Umadda Soomaaliyeed meelwaliba oo ay dunida ka joogaan; saqiir iyo kabiir, shacab iyo dowlad in si mid ah, niyadsan isla markaana damqasho bini’aadannimo leh ugu diyaar garownaa xusuusta maalintan xanuunka badan ee #14kaOctober.

#Xusuusta14kaOctober

Mahad-badan.

Hadalsame Media