Micheal Keating oo ka dayriyay hab-dhaqanka siyaasiyiinta Somalia

0

(New York) 14 Sebt 2018 – Micheal Keating, oo ah wakiilka Qarammadda Midoobey ee arrimaha Soomaaliya, ayaa Gollaha Ammaanka ee Qarammadda Midoobay uga warbixiyay xaaladda Soomaaliya mudadii u ahaa ergayggii gaarka ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya.

Micheal Keating, ayaa u sheegay Gollaha in markii uu tagay Soomaaliya la geeyey “Madaxtooyadda Soomaaliya” si uu madaxweynihii ee berigaa kala hadlo khilaafka u dhexeeyay Dowladiisii iyo hogaamiyeyaasha maamul goboleedyadda, sidaas si lamid ahna uu ahaa xaalku, maalmo ka hor intaanu Soomaaliya ka soo tegin.

Mar uu ka hadlaayey horumarka ay dowladda Soomaaliya ka sameysay dhinacyada siyaasadda, amniga, dib u heshiisiinta iyo dhaqaalaha, ayuu sheegay ay dowladu ku jirto waxa uu ku tilmaamay bar-barasho.

Dhinaca kale mar uu ka hadlayey caqabbadaha heeysta Soomaaliya, ayuu xusay in dhanka siyaasadda ay tahay caqabadda ugu weyn ee ay wajaheyso, gaar ahaan siyaasadda iyo hanaanka awood qeybsiga.

Ugu dambeyntiina wuxuu arrimaha siyaasadda Soomaaliya ku tilmaamay kuwo “isku dhex yaacsan”. Mana aannu soo hadal qaadin xilliga kala guurka ee lugu wado in AMISOM dalka kaga baxdo lana helo ciidamo soomaaliyeed oo badala.

Hadalsame Media