PSG oo rasaas digniin ah ku riddey kooxda Real Madrid (Labada madaxwayne oo ay ka tafatay!)

0

(Paris) 14 Sebt 2018 – Madaxwaynaha PSG ee Nasser Al-Khelaifi ayaa rasaas digniin ah ku ridey kooxda Real Madrid oo u hanqal taageeysa xiddigaha kooxdiisa, sida Neymar iyo Kylian Mbappe oo taxa sare uga jira laacibiinta uu raadinayo madaxwaynaha Real ee Florentino Perez.

Yeelkeede, Al-Khelaifi ayaa digniin u mariyay warqaadka Marca: “Cadaalad maaha in naadi ama qof kale uu la hadlo laacibiinteenna, sidaa ma jeclin waana u sheegnay Real Madrid.

“Waan qadarinnaa Real Madrid iyo madaxwayneheeda, Florentino Pérez, balse waxay ila tahay inay muhim noo wada tahay inaan la is daba maryeeynin, haddii ay wax jiraan waa inaan ka wada hadalnaa annaga iyo Florentino Pérez, taasi waa wax aan ka filayo kooxaha kale oo idil, ma aha kaliya t Real Madrid.

“In la is dilo ma aha qaabka ay u shaqeeyso PSG waxaana kooxaha kale rajaynayaa inay sidaa noola dhaqmaan.” ayuu yiri madaxwaynaha PSG.

Hadalsame Media