Doorka uu JAADKU ka ciyaaro dagaalka Yaman (Cillad Somalia haysata)

0

(Sanca) 14 Sebt 2018 – Jeneraalka hoggaamiya qaybta 2-aad ee ciidanka Militeriga waddanka Yemen, Faraj Saalimiin Albaxasni ayaa soo saaray go’aan ciidanka dhexdiisa looga mamnuucayo Qaatka.

Dhammaan ciidammada ayaa lagu wargeliyay in ay u hoggaansamaan amarkan, ciddii jebisana guud ahaan laga saari doono ciidanka.

Qaybtan labaad ee Militeriga Yemen ayaa waxay ka mid tahay saldhigyada ciidan ee toddobada ah ee waddanka Yemen, waxaana xarunteedu ku taallaa magaallada Mukala ee caasimadda Xadramowt ee Bariga Yemen.

Qaatka ayaa lagu tiriyaa dhirta daroogada ah ee ay isticmaalaan inta badan shacabka Reer Yemen, waxaana lagu beeraa deegaanno badan oo dalkaasi ka mid ah, iyadoo saqiir iyo kabiirka reer Yemen ay saacado badan afka ka buuxiyaan laamaha Qaatka, mararka qaarna waxaa raaca inay ku darsadaan cabitaannada fudud iyo Sigaarka.

Dhinaca ciidanka marka la eego inta badan ciidanku waxay si joogto ah u cunaan Qaatka, xitaa xilliyada ay shaqada ku jiraan guud ahaan waddanka Yemen.

Hadalsame Media