DIL-DILLAAC DAAHIRAY: Yurub oo wadda qorshe ay dagaal dhaqaale kula geleeyso Maraykanka

0

(Strasbourg) 12 Sebt 2018 – Madaxwaynaha Komishanka Yurub ee Jean-Claude Juncker ayaa wacad ku maray in Midowga Yurub uu qaadi doono tillaabo uu lacagta Euro uga dhigayo mid caalami ah oo doollarka la hardami karta, si meesha looga saaro ku tiirsanaanta dhaqaale ee Maraykanka.

Juncker ayaa baarlamka Midowga Yurub ee ku yaalla Strasbourg u jeedinayay wax lagu tilmaamay khudbaddiisii ugu dambaysay, maadaama ay muddo xileedkiisu dhamaanayso sanadka xiga.

Wuxuu sheegay inaysan soconaynin in EU ay 80% tamarta ay soo degsato ay kusoo iibsato doollarka Maraykanka, tiiyoo ay jirto in 2% oo qura ihi uga timaaddo Maraykanka, halka inta ugu badan tamartaasi oo shidaal u badani ay ka timaaddo Ruushka iyo dalalka Carbeed ee Khaliijka.

“Waa inaannu middaa bedelnaa. Euro waa inay noqotaa agab firfircoon oo ay adeegsato Yurub madax bannaan”, ayuu soo jeediyay Mr Juncker, oo 5 sano oo uu Yurub xukumayay ay soo afjarmayso.

Wuxuu kaloo uu dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub ugu baaqay inay joojiyaan qaybsanaanta keentay inay masraxyada caalamiga ah ka muujiyaan cududdooda wadareed.

“Waxaa la joogaa goortii aannu joojin lahayn Yurub qaybsan oo xaaladdu ku xun tahay,” ayuu yiri Mr Juncker oo daba dhigay. “Qaaradeennu waxay u qalantaa si taa dhaanta”.

Hadalsame Media