Siyaasadda casrigan waxaa xitaa ka faantay haweenay jirkeeda ka ganacsata!! (Akhri)

0

(Hadalsame Media) 13 Sebt 2018 – Madaxweynihii hore ee dalka Masar Xusni Mubaarak wuxuu hadda ka hor xabsiga dhigay Maxamed Mursi, Mursina wuxuu markii uu Madaxweyne noqday xiray Xusni, wuxuuna magacaabay Cabdifitaax As-siisii, kadibna Siisii wuxuu xiray Mursi wuxuuna xabsiga kasoo daayay Xusni Mubaarak.

Dowladda Iiraan waxay xulufo yihiin Madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-Asad, Bashaarna waxaysan is arki karin Ikhwaanul Muslimiin; Iiraan waxay isfahamsanyihiin Xamaas, Xamaasna waxay saaxiib yihiin Ikhwaanka, Ikhwaankana isma arki karaan Iiraan.

Dowladaha Khaliijku waxay ku kacsanyihiin Iiraan, Madaxweyne Siisii oo saaxiib la ah Khaliijka wuxuu la dagaashanyahay Ikhwaanka wuxuuna saaxiib la yahay Bashaar, Bashaarna waxay dagaalsanyihiin Khaliijka oo ay saaxiib yihiin Turkiga, Turkiyana waxay dagaashanyihiin Bashaar iyo Siisii, waxayna saaxiib la tahay Ikhwaanul Muslimiin.

Khaliijka waxay isfahamsanyihiin Mareykanka, Mareykankana wuxuusan arki karin Ikhwaanka, Ikhwaankana waxay saaxiib yihiin Xamaas, Xamaasna waxaysan maqli karin Mareykanka, Mareykankana waxay dagaashanyihiin Ruushka, Ruushkana waxay saaxiib yihiin Bashaar, Mareykankuna wuxuu ku kacsanyahay Bashaar oo xulufo la ah Ruushka.

Soomaaliya waxay cadawtooyo kala dhexeysay Itoobiya, Itoobiyana waxaysan is arki karin oo ay argagixiso u aqoonsatay ONLF; Itoobiya waxay ciidamo usoo dirtay Soomaaliya, Soomaaliyana waxay Sargaal ONLF ka tirsan u gacan-gelisay Itoobiya waxayna argagixiso u aqoonsatay ONLF; Itoobiyana waxay dhowaan la saaxiibtay ONLF oo hadda Liiska argagixisada ugu jira Soomaaliya.

Siyaasaddaan iska-daba-wareegga ah waxay isoo xusuusineysaa wareysi laga qaaday Haweeney Ruushka u dhalatay oo ku caan-baxday in ay jirkeeda-ka-ganacsato oo mar uu wariyuhu weydiiyay sababta ay siyaasadda u geli la’dahay ku jawaabtay “Siyaasaddu waa wax qurun ah, been, musuq iyo iska-daba-wareeg ah, sidaas darteed ma rabo in aan siyaasi noqdo oo aan sumcaddeyda ku ciyaaro!!”

Hadde ogoow qofta ka cabsaneyso in ay siyaasaddu sumcadda uga ciyaarto waa haweenay jirkeeda-ka-ganacsato!!

FG: Ha u fahmin inay siyaasaddu tahay iska daba wareeggan, waayo siyaasad wanaagsani way jiri kartaa, waana midda loo baahan yahay.

Waxaa Diyaariyay: Xuseen Sabriye

Hadalsame Media