Norway oo xeerar cusub kusoo rogtey Soomaalida kaddib aqoonsigii baasaboorka Somalia

0

(Oslo) 10 Sebt 2018 – Dowladda Norway ayaa 1-dii bishii Agoosto sheegtay in ay aqoonsatay baasaboorka Soomaaliya, gaar ahaan, midkii kasoo baxa safaaradaha Somalia ama midka uu soo saaro Gobolka Banaadir, wixii ka dambeeyay 1-da Jannaayo 2014-kii.

Dowladda Norway ayaa haddaba soo rogtey sharci cusub oo dhigaya in dadka ay Norway horay u siisay baasaboorka soo galootiga ee buluugga ah (Norsk utlendingspass), ay baasaboorka Soomaaliga u wareegaan wixii ka dambeeya 1-da Agoosto 2018.

Haddii uusan qofku haysanin, waxay dowladda Norway kula talinaysaa inuu qofku u safro safaaradaha Somalia ku leedahay Roma ama Brussels si uu usoo qaato. Carruurta ayaa iyaguna ku jira oo u baahan baasaboorkaas.

Waaxda Arrimaha Dibedda Norway ee UDI ayaa sheegtay inaysan cusboonaysiin doonin baasaboorka buluugga ah ee Norsk utlendingspass wixii ka dambeeya 1-da Agoosto 2019.

Haddii aad tusaale ahaan baasaboorkaas bini aadminimada haysato, balse aad dawo suge tahay UDI waxay baasaboorka kuu cusboonaysiinaysaa muddo sanad ah, sidoo kale baasaboorkaasi wuxuu kaliya shaqaynayaa 2 jeer, marka aad codsanayso iyo marka aad u safrayso safaaradda aad kasoo qaadanayso baasaboorka Soomaaliga ah ee aad horay u codsatay.

QAXOOTIGA MA KHUSEEYSO

Haddii ay Norway kuu aqoonsan tahay qaxooti oo aad haysato baasaboorka cagaarka ah (grønt pass), uma baahnid inaad dalbato baasaboorka Soomaaliga ah, haddii ay jirto halis aad u ban baxayso, marka aad qoyskaaga u dalbayso VISA ay ku yimaadaan Norway, balse qofka loo dacwoonayo ee aan isagu weli Norway imanin waxaa lagu keenayaa baasaboorka Soomaaliga ah, waase haddii aad ku imanayso midow qoys.

Taa lafteedu ma khuseeynayso haddii ay halis amaan kaasoo gaareeyso arrintaa, ama dadka kale ee baasaboorka Soomaaliga ah loo dalbayo, markaas waxaa laguu samayn doontaa warqad mar dhoofiso ah (Go Home) oo kasoo baxaysa dhanka Norway.

Hadalsame Media