DAGAAL QABOOW: Ruushka oo isu keenay ciidamadii ugu badnaa muddo 40 sano ku dhow + Muuqaal & Sawirro

0

(Tsugol) 11 Sebt 2018 – Ciidan kor u dhaafaya 300,000 oo askari iyo tobannaan kun oo ah tiknikada ciidamada, dayuurado iyo maraakiib dagaal ayaa ka qayb galay layli ciidan oo uu Ruush dhigo midkii ugu waynaa muddo 37 sanadood ah. Waxaa sidoo kale layligaa ka qayb qaatay unugyo ka socda Shiinaha.

Layligan oo la yiraahdo Vostok 2018 ayaa looga dan lahaa in lagu tijaabiyo awoodda ciidan ee Ruushanku muddo gaaban kusoo dumi karo ciidamo sidaa u ballaaran oo ka kala imanaya masaafooyin dhaadheer, ballarka dalkaasi dartii, iyo weliba sida loo xiriirin karo farsamo ahaan wada shaqaynta ciidamadaasi.

Layligan waxaa ka qayb qaatay 300,000 oo askari, oo ay ku jiraan 6,000 oo kuwa cirka ah, ilaa 1,000 dayuuradood, helakabtarro iyo daroonno, ilaa 36,000 oo ah gawaarida gaashaaman ah iyo 80 markab oo kuwa dagaalka xoojiya ah.

Ciidamadan iyo agabkooda ayaa lagasoo kala daabulay daafaha Ruushka, iyadoo la adeegsanayo tareennada iyo dayuuradaha ciidamada. Waxaa kusoo biiri doona dhowr unug oo ka socda Ciidamada Xoreeynta Shacabka Shiinaha ee PLA, oo iman doona goobta dab-ridka ciidan ee Tsugol.

Hadalsame Media