KASHIFAAD: Juventus oo wada hadal qarsoodi ah kula jirta Paul Pogba (Maxay damacsan tahay?)

0

(Manchester) 11 Sebt 2018 – Kooxda Juventus ayaa xiriir toos ah la wadda laacibka khadka dhexe ee Manchester United ee Paul Pogba oo ay doonayso inay dib ugu soo celiso magaalada Torino.

Gazzetta dello Sport ayaa qoraya in maareeyayaasha Juve ay arrintaa kala hadleen wakiilka Pogba ee Mino Raiola, iyagoo xitaa si gaar ah ula xaajoodey laacibka laftoosa, si ay Jannaayo usoo xera geliyaan.

Waloow aysan arrintaasi ka sahlanayn dhanka Man Utd, misna waxay labadan dhinac ee aannu haatan soo sheegnay ku tala jiraan inay heshiis noocaas ah ka shaqaysiiyaan isla suuq jiilaalka Jannaayo.

Pogba ayaa u muuqdey nin la dhacsan ku biirista Juve ama Barcelona isagoo ku jawaabey su’aal ka caraysiisay taageerayaasha United.

Wuxuu u sheegayTelefoot, “Inaan ku biiro FC Barcelona ama Juventus? Ilaa aad arkaysaan anigoo dhoolla caddaynaya oo ku faraxsan funaanaddan, wixii kale waa ku tiri kuteen.” taasoo loo fahmey jawaab aan si toos ah wararkaasi u beeninayn.

Hadalsame Media