Shiinaha oo dib ula wareegey deked uu u dhisay Sri Lanka! (Maxay Somalia ka baran kartaa?)

0

(Colombo) 11 Sebt 2018 – Dowladda Sri Lanka ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay deked istaraatiji ah oo ku taalla koonfurta dalkaasi ku wareejisay dowladda Shiinaha oo gacanta ku hayn doonta 99-sanadood.

Heshiis ku kacaya wax ka yar US$1.1 bilyan oo doollar, isla markaana ay mucaaradka siyaasiga ihi ku tilmaameen “xaraash”, ayay sharikaad Chinese ihi ku yeesheen 70% saamiga dekedda Hambantota.

Dekeddan ayaa lagu dhisay amaah dhan $1.3bilyan oo doollar oo laga soo qaatay bankiyo hoos taga dowladda Shiinaha sanadii 2010-kii, balse dowladda Sri Lankan ayaa la dhacdhacday dib u bixinta qaantaas, iyadoo uu mashruucuna sidii la filayay u mira dhali waayay, waxaa kale oo dheer in maamulka Colombo uu haatan Shiinaha ka qabo qaan dhan $8bilyan oo doollar marka lagu daro mashaariicda kale ee ay Shiinuhu fuliyeen.

“Heshiiska wareejinta [dekedda Hambantota] waxaannu ku gudaynaa qaamaha nalaku leeyahay,” ayuu yiri RW Sri Lankan jaalle Ranil Wickremesinghe oo ka hadlayay munaasabaddii wareejinta ee la qabtay todobaad dhamaadkii. “Hambantota waxaa loo rogi doonaa deked wayn oo ku taalla Badwaynta Hindiya”. ayuu ku faanay.

Dalal badan oo kuwa dunida 3-aad ah ayaa haatan u dabran qaamo fara badan oo ay si barraad la’aan ah ugasoo qaateen bunuugta Shiinaha, waxaana dabinkaa ku jira dalal badan oo Afrikaan ah, waana arrin mudan inay Somalia ka digtoonaato.

Hadalsame Media