Soomaaliya IGAD ma ka mid baa?

0

(Hadalsame) 10 Sebt 2018 – Waagii aan ardayga ahaa ee aan takhasuska samaynaayay, waxaanu aad u doodi jirnay gabadh yar oo Jackie Orange la odhan jiray.

Waxa ay ahayd Tansaaniyaan isirkeenna Soomaaliyeed aad u cunsuriyadaysa, oo abuurteenna iyo ka mid noqoshadeenna aadanaha ku uumman bariga iyo geeska Afrika aaminsanayd in aynu dulsaar ku nahay. Waa galabsigeenna.

Ha iska necbaato dirka dhalashadayda iyo dalka aan sharciyan ka soo jeedo ee Soomaliyee, JACKIE waxay ahayd farriid I dhiidhi gelin jirtay oo tartan tacliineed iyo xifaalo aragtiyeed oo badani naga dhexeeyaan.

Waa sababta aanu u doodi jirnay, ee midkaayoba ka kale wax ugu soo akhri jiray si uu u qanciyo. Hadda waxa ay ku nooshahay Canada.

Waxa inantaa I xasuusisay weydiinta kor ku xusan oo ay galab su’aal u eeg I weydiisay. Simistarkaas waxaanu dhiganaynay maaddo la odhan jiray “ Ururada Caalamiga ah iyo Diblomaasiyadda”.

Aad baanu u lafa-guri jirnay Axdiyada (Charters) lagu aas’aaso ururadaas, maaddaamaanu ahayn arday kulliyad qaanuun (School of Law) ku jira. Waxay i weydiisay: IGAD axdigii lagu bud-dhigay 1995 kii, miyuu ku jiraa mabda’ qaanuuneedka afka qalaad lagu dhaho “Principle of Retroactivity”?!.

Waxan ugu war celiyay in aanay suuragal ahayn, sababta oo ah ururkii laga soo guuray ee IGGAD la odhan jiray iyo ururkan cusub ee IGAD la baxay in ay kala barnaamij yihiin, oo ururkii hore aanu wax siyaasad ah ku shaqo lahayn, shaqadiisuna keliya horumarka iyo ka hortagga abaaraha gobolka ku soo noqnoqda ku koobnayd.

Markaas ayaa ay haddana I weydiisay iyada oo i ilaaqaysa, “Idinku 1995 kii kolkii IGAD la sameeyay waad is dillayseen, oo dawladba maydaan lahayn, kamanaydaan mid ahayn dalalkii abuuray, ee dib baad u saxeexdeen axdiga saw maaha?”.

Ilayn gabadha yar qaddiyad baa na dhex taallee waxan ku idhi; Haaheey dawladdii 2000 dhalatay baa saxeexday. Ma hubin ee wax iska dhicin baa ay iga ahayd. Alaylahe waan iska aamusiiyay.

Halkii kama soo qaadin su’aashaas. Hayeeshee laba gu iyo bilo ka hor oo ku beegnayd bishii Juun 2016 kii baa anniga oo galab akhriyaaya heshiis macaawino horumarineed ahaa oo dhex maray IGAD iyo USAID oo la yidhaahdo ( RDOARG), xasuustaydu shan sano iyo dheeraad dib u guurtay, oo weydiintii JACKIA igu soo dhacday.

Waxa ay USAID, IGAD la saxeexatay inay ka caawin doonto shanta sano ee soo socda unugyada (CEWARN), oo ah xalinta khilaafadka iyo nabad ilaalinta ka shaqeeya, (IDDRSI) oo ah unuggeeda abaaraha iyo deegaanka ka shaqeeya. Iyo xaruunta (ICPAC), oo ku taalla magaaladan Nayroobi oo IGAD u qaabilsan saadaasha cimilada iyo daraasaadka siyaasadaha dhaqaale ee gobolka.

Aad baan heshiiskaas u sii fiirfiiriyay oo aan u danaynaayay qof ahaantay, oo dal ahaan maaddaama colaadaha iyo abaaruhu habaarada Ina haysta kuwa ugu waaweyn ka mid yihiin, waxan lahaa dawarsadayaashana ka mid baad tihiin ee bal maxaa lagu sallayn doonaa, iyo sidee dhoortadaas qaybtiina ku calafsan doontaan.

Waxan oggaaday in aanay madax ku sheegga dawladda dhexe ee Soomaaliya metellaa waxba ka oggayn ee Itoobiya, Kenya iyo Jabuutii gacanta dhiibtaan oo siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba inooga mudakarsan yihiin IGAD dheefteeda iyo xarragadeedaba.

Waa markaas kolka aan weydiintii Jackia u hawl galay. Bal saddexdaas mashruuc ka hore mooyee labada kale waxaan faro guudkood ahayn oo aynu ku leenahay ha la ii sheego.

Ugu horrayn waxan ku laabtay axdigii lagu geeddi geliyay IGGAD oo 1986 kii la sameeyay, Soomaliyana ka mid ahayd dalalkii abuuray (Founding member states), iyo ujeeddadii loo abuuray iyo shaqada ururka.

Waxan kale oo taariikh ahaan iyo siyaasad ahaanba helay sababaha ururkii IGGAD ee gurmadka abaaraha iyo deegaanka shaqadiisu ku cuyubnayd loo balaadhiyay ee urur siyaasadeedka awoodda badan ee gobolka ugu weyn loogu geddiyay, magaciisiina IGAD looga dhigay.

Waxa ii soo baxday in aan Soomaaliya urur goboleedka sida weyn umuuraheeda uga talliya ee IGAD ka mid ahayn dalalkii aas-aasay, dalka loo samaystayna ay tahay oo Itoobiya iyo Jabuuti shaadh talada dalkaas ay u soo xidhaan yahay.

Siyaasad ahaanna horjoogayaal midba door leeyahay ka yahay oo qadhaabsi iyo dhoortaysiba Maraykanka oo ah maanka keenay curashada ururkani u xilsaartay gummaynta iyo eddeg dhufaanida dalkaas dawladda la’aantu ku dhacday.

Ugu dambayntii, waan waayay meel ay ku qoran tahay ama wax caddayn ah oo xubinimada IGAD ee Soomaaliya xalaalaynaaya, oo waafaqsan qodobka 1aad ee heshiiskii lagu aas’aasay IGAD fiqradiihiisa C iyo D.

Qodobkan oo sheeggaaya in dawladda rabta inay xubinimada ururku u soo qoran doonto codsi dawladaha xubnaha ka ah, oo si wada jira goluhu u aqbali doonan si buuxda xubinimada dalka cusub. Soomaaliyana ilaa iminkadaas wax caddaynaaya inay codsigaas samaysay, oo laga aqabalay annigu qof ahaantay waan waayay.

Cid ii tibxisa oo wax ka og oo madaxda Soomaaliya ahna waan waayay. Sidaa awgeed, soomaliya si sharci ah IGAD ugamay mid aha noqon. Go’aanadii iyo hawlgalladii IGAD ee Soomaaliyana sharci ma aha oo waa xaaraan.

Haddii xaalku caynkaas yahay, in ururkaas la dacweeyo oo laga daba tago waxa alla wixii dhibaato ahaa ee uu u geystay soomaaliya, ee duullaankii xabashidu ka mid ahaabaa sharciga caalamiga ahi inoo banaynayaa ee taa ha la oggaado.

Taasi ha inoo dambaysee aynu marka hore si sharci ah uga mid noqonno dalladan aayaheenna iyo arrimaheenna jaangoysa.

F.G: Qof xogtan xog ka duwan hayaa hadduu jiro ha Ila soo wadaago.

W.Q. Maxamed Cali-ruush

Hadalsame Media