AC Milan oo Kaká u dirtay shaqadii 1-aad + Sawirro

0

(Milano) 10 Sebt 2018 – Ricky Kaka ayaa la sheegayaa in loo diray shaqadii 1-aad ee uu u qabanayo kooxda AC Milan – taasoo ah inuu cagta cagta u saaro xiddig yaraha Flamengo ee Lucas Paqueta.

Leonardo ayaa todobaadkii tegey sheegay in Kaka ‘uu isku waajibiyay’ dib ugu soo laabashada Milan balse ma uusan carrabaabin door gaar ah oo uu Milan ka ciyaarayo.

Ha yeeshee, Tuttosport ayaa qoraya in laacibkii 2007 qaatay Ballon d’Or uu Brazil ka noqon doono laacib Milan usoo ilaaleeya laacibiinta soo baxaysa, waxayna shaqadiisu ka bilaabanaysaa Paqueta.

Paqueta oo khadka dhexe ka dheela ayaa 81 kulan u saftay kooxda Flamengo waxaa sidoo kale bartilmaameedsanaysa kooxda Barcelona, iyo sidoo kale Paris Saint-Germain.

Hadalsame Media