PORTUGAL VS ITALY: Shaxaha & safafka ay caawa kusoo geli karaan!

0

(Lisbon) 10 Sebt 2018 – Waxaa caawa fiidkii ciyaar aad u culus iskaga hor iman doona xulalka Portugal iyo Talyaaniga oo ku ballansan caasimadda dalka hore ee Lisbon.

Dhanka Portugal: Waxaa ka maqan Cristiano Ronaldo sidaa darteed waxay dheelayaan 4-3-3 waxaana weerar dhexe ah laacibkii Rossoneri ee André Silva isagoo ay kaalinayaan Guedes iyo Bernardo Silva. Macallin Santos wuxuu shaki uga jiraa inuu dhexda u daayo Sanches-Carvalho-Fernandes iyo inuu midkood ku bedelo Ruben Neves.

Dhanka Italy: Mancini ayaa wax ka beddelaya shaxdii iyo safkii kulankii 1-1 ku dhamaaday ee Poland, waxaana kaydka kululayn kara Zappacosta, Balotelli iyo xitaa Bernardeschi oo aan kulankaa loo bogin. Lazzari-Caldara ayaa dadabka midig isku haya, waxaana cadcad ninka hore, halka Bonaventura uu garab istaagayo Jorginho. Waxaa weerarka kusoo kordhi kara Immobile, Chiesa iyo Belotti oo kulankii hore wada fadhiyay.

KAYDKA LABADA KOOXOOD:

  • BETO, RAMOS, CÉDRIC, P. MENDES, MARIO RUI, DIAS, G. FERNANDES, PIZZI, NEVES, OLIVEIRA, BRUMA, G. MARTINS, LOPES
  • SIRIGU, PERIN, BIRAGHI, CALDARA, ROMAGNOLI, EMERSON, PELLEGRINI, BARELLA, CRISTANTE, BENASSI, INSIGNE, BERNARDESCHI, BERARDI

GANAAXAN

AAN LA HELI KARIN

Hadalsame Media