Taliyaha Ciidamada Xoogga oo la kulmay saraakiil Maraykan ah (Maxay ka wada hadleen?)

0

(Muqdisho) 07 Sebt 2018 – Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya S/ Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil ka socotey ciidamada Mareykanka, waxaana sida la yiri ay ka wada hadleen dib u dhiska ciidanka iyo arrimo kale.

Si gaar ah ayaa labada dhinac waxay uga wada hadleen siddii dawladda Mareykanku ay ciidanka Xoogga Dalka uga taageeri lahayd xoreeynta dalka, tababarka ciidanka , is dhaafsiga khibrdaha ciidanka iwm.

Taliyaha ciidanka xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi ayaa waxa uu dawladda Mareykanka ka dalbaday inay kordhiyaan taageerada iyo tababarrada ay siinayaan ciidanka Xoogga Dalka iyo weerarada ay Al Shabaab la beegsanayaan.

Hadalsame Media