MIDKEE MUDNAA? Bal eeg sida ay GABADHANI ula kala dhaqantay labadaa nin

0

(Hadalsame) 07 Sebt 2018 – Ukun yar ayuu iibiyaa, nolol maalmeedkiisana halkaasuu kasoo saartaa, noole kalana uma daba fadhiisto wixii cunaa ee uu caloosha ku tiirin lahaa.

Maalin maalmaha ka mida isagoo hawshiisi maalin lahaa ku jira ayay gabadh u timid oo ku tidhi “Xabadii beeda ama ukun ah immisaad iibinaysaa ama gadaysaa”

Wuxuu ugu jawaabay “Xabadii waa $0.25”

Waxay tidhi: “6 xabo keen,waa isku immisana”

Wuxuu yidhi: “$1.5”

Waxay ugu jawaabtay: “$1 ayaan bixinayaa”

Wuxuu ku jawaabay: “iska keen ilaa maanta waxba la igama iibsane”

Gabadhii way iska tagtay iyadoo faraxsan una haysata in ay ka guulaysatay odaygii yaraa ee miskiinkii ah.

Habeenimadii ayay u casho tagtay Hotel ka mida kuwa qaaligaa ee magaalada ku yaala,casho ayay dalbatay,way cuntay si fiicana u dharagtay,Inankii cuntada u keenay ee Mudalabkii ayaa waraaqdii Billka u keenay way eegtay waxa ku qoran in cashada ay cuntay tahay $45.

Miiskii lacagta lagu bixinayay ayay dul tagtay kadibna soo saartay $50 doollar.

“Cashadaydu waa $45 doollar inta soo hadhayna qaado adigu” ayay tidhi.

Dadkeena waxaad moodaa in ay inta wax haysata uun wax ugu daraan inta wax ma haystadana ka hagradaan wax siintiisa.

Xigasho: Samaale Axmed Xuseen

Hadalsame Media