Muxuu QISADAN ka baran karaa siyaasiga Soomaaliyeed?!

0

(Hadalsame) 07 Sebt 2018 – Allaha ka raali noqdee Sayidunaa Cumar Binu Khadaab ayaa la sheegay in ay la soo gudboonaatay ciidan yari aad u baahsan xilli uu ku sugnaa gudaha dhulka Shaam oo Laf dhabar u aheyd duullaanka ciidamada Islaamka iyo ka wada tashiga arrimaha ku soo kordho dadka, deegaanka iyo Diinta intaba.

In kastoo ay jirtay xiisad colaadeed oo waqtigaasi taagneyd, waxa uu Cumar go’aansaday inuu Ratigiisa rarto isagoo u jiheeystay dhanka xuduuda Shaam halkaasi oo ay ku sugnaayeen awoodda ugu badan ciidanka Islaamka oo ay u dhan tahay qalabkooda dagaalka iyo horjoogayaal loo tababaray xeelad kasto oo dagaalka looga baahan yahay in lagu wajaho.

Cumar Binu Khadaab waxa uu goobtii ciidanka gaaray waqti Duhurnimo ah oo ciidanka badankiis ay ku mashquulsanaayeen qeybinta Qadada oo markaasi Dabka laga soo qaaday, si kastaba arrinku ha ahaadee waxaa Amiirkii Muuminiinta loo gudbiyey Teendhadii saldhigga u aheyd Abuu Cubeeydah Caamir Ibnu Jarraax oo ah ninka hoggaanka u haayo guud ahaan ciidanka Islaamka kadibna lagu yiri: ”ma waxaan kuu keenaa raashiinka ciidanka mise kan gaarka ah ee hoggaamiyaha loo diyaariyay?”

Cumar RC oo la yaaban su’aasha ay ciidamadiisa hor dhigeen ayaa dalbaday in Labadaba loo keeno si uu u arko farqiga u dhaxeeya, haddaba qadar yar kadib waxaa lagu hormaray raashiinka ciidanka oo Amiirka loo geeyay kaasi oo ay dul heehaabayaan Hilib, Maraq, iyo Dhuux si wanaagsan loo bisleeyay, sidaas si lamid ah waxaa Amiirka la soo hoos dhigay cuntada hoggaamiyaha oo ka kooban dhowr jab oo Rooti ah iyo caano aad u yar oo aan kaafin karin baahida qof weyn oo rijaal ah.

Sayidunaa Cumar Allaha ka raali noqdee waa uu ilmeeyay markii uu arkay raashiinka qalalan ee uu quuto hoggaamiyaha sharafta iyo maqaamka ku leh Islaamka dhexdiisa dabadeedna waxa uu yiri – wallaahi waa uu ka run sheegay qofkii kugu magacaabay inaad tahay Amiinka Ummaddaan, waana xabiibkeenna Suuban Muhammed Naxariis iyo Nabad gelyo korkiisa ha ahaatee.

Guud ahaan innagoo ka duuleeyno Qisadaan iyo waxa aan ka baran karno, waxaa la gudboon ragga Madaxda noo ah in ay u cadaalad falaan dadka ay mas’uulka ka yihiin iyo in ay ka reebtoonaadaan isku koobidda xoolaha ka dhaxeeyo shacabka iyagoo caada ka dhigtay in ay Qasriyo waaweyn ka iibsadaan dalka dibaddiisa kuwaasi oo dhigaal u ah in ay ku raaxeystaan marka uu waqtigooda dhamaado xilkana laga wareejiyo.

Waxaa Diyaariyay: Cabdiqani Gaarane Barre (Dufle)

Hadalsame Media