QORMO QOORAANSI MUDAN: ”Waxay igu naanaysi jireen DUGAAG” (Qaybtii 7-aad)

0

(Hadalsame) 07 Sebt 2018 – In kasta oo ay qofnimadaydii iyo noloshaydii sidaa weyn isu beddeleen haddana adduun hawli ka ma dhammaatee dhibaato cusub baa igu soo korodhay. Kooxdii Maxamed ee Madiina fadhiday waa ay sii xoogaysatay oo degmooyin badan oo carbeed iyo yuhuudeed ayay xoog iyo xeeladba calankooda ku hoos keeneen. Intaa uun ma aha ee waxaa soo baxday in ay hawaysanayaan Makadan aannu joogno qudheeda in ay nagu galaan.

Waxa aan ogaa giddigood in ay nacaybkayga la wada qamuunyaysan yihiin oo yar iyo weyn, rag iyo dumar, birta ii raminayaan. In aan dhuyaalo oo dhulkii awowyada ku tibbado waan ka fekeray, haddana waddadaa dheer waxa halis taalla ayaan istusay. Mar haddii aan maanta xor ahay oo qiimi qofnimo lee yahay in aan carab wax la qabo oo Qureesh wax la qaybsado ayaan goostay.

Ugu dambayn Maxamed oo duullaan ah oo gaasas camaadhyo leh wata ayaa Maka soo gabagabo fadhiistay. Hormuudkii Qureesheed oo Abuu Sufyaan ugu horreeyaa waxaa u caddaatay in waqtigii dhammaaday oo aan awoodda muslinka loo babac dhigi karayn. Qaar badan oo ka mid ahi waa ay muslimeen, kuwoodii kalena waxaa la la bilaabay waanwaan la doonayo in ay nabad isu dhiibaan. Maalintaas ayay talo igu caddaatay.

Waxa aan u baxsaday Daa’if oo ka mid ahayd degmooyinka Maxamed iyo diintiisa aad looga diiddan yahay. Halkaas ayaan foolka saaray. Ha yeeshee aniga oo aan wax badan joogin ayay reer daa’if qudhoodii ergo uu Maxamed u soo diray ku muslimeen.

Mar kale ayay talo iga dhaharatay, waxa aan damcay in aan xaggaa iyo Yaman u baxsado, waxaa se i soo gaadhay warar sheegaya Maxamed in uu yahay nin han weyn oo qaddiyaddiisa wax walba u hura, oo qofka diintiisa gala aan eed hore ka la xisaabtamin. Iyada oo taa la ii sheegay haddana waan hubay dilka Xamse in uu lahaa macne gooni ah.

Aad ayay iigu adkayd in aan isku qanciyo Maxamed dhagarta sidaa u weyn in uu ii dhaafi doono, waayo sida aan og ahay murugada iyo ciilku meel aad fog ayay ka gaadheen.

Si walba ha ahaatee waxa aan go’aansaday intii aniga oo fallaag ah meelahaa la igu dooxan lahaa in aan badheedho oo ka mid noqdo dadka badan ee ay Maxamed colka ahaayeen ee isdhiibaya. Sidii baan yeelay.

Aroor hore ayaan faraskaygii Daa’if ka heensaystay. Markii aan Maka galay ma aan leexleexan ee goobtii Maxamed joogay baan abbaaray. Inta aan bariidiyay ayaan markii uu i soo eegay maqashiiyay erayada ashahaadada ah ee diintiisa lagu galo: Ashhaddu a’llaa ilaaha Illa Laah wa ashhaddu anna Muxammadan Cabduh wa Rasuuluh.

La soco qaybta 8-aad…

Qalinkii: Ibraahin Yuusuf Axmed (Hawd)

Hadalsame Media