KHIYAANADA QARNIGA: Sida ay Maraykanka & Imaaraadku isula qorsheeyeen KHAARAJINTA Jabuuti + Sawirro (Qaybtii 8-aad)

0

(Hadalsame) 07 Sebt 2018 – Xilligaas nidaamka Asiyaas Afawarqe waxa uu ahaa mid aad u danaynayay isu soo dhowaanshaha Maraykanka, waxa uuna wax gashaday in uu shaqaaleeyo loobiyada culays saarka, sida shikadda qarreenada ee Greenberg Traoreg ee ku xidhnayd xilligaa hogaamiyaha kongarayska Tom DeLay si loogu ololeeyo in Eratariya ay marti galiso saldhig millateri oo Maraykan ah si uu uga faa’iidaysto bugcada istiraatiijiga ah duulaanka soo ifbaxaya ee Ciraaq lagu qaadayay, iyada oo Maraykan kuna ay ka hor imaanayso mucaaradad xoog badan ee ka soo horjeeda dagaalka Ciraaq badankeeduna ay ka imaanaysay dowladaha daris ka la ah, xitaa Dowladda Jabuuti oo hadda martigalisay saldhigga Maraykanku uu ku leeyahay Afrika.

Afawarqe kama uusan guulaysanin shukaansigiisii Washington oo iyada siyaasadeedu ahayd dayrinta Eratariya, taas oo meeshii ugu saraysay gaadhay sanadkii 2009-kii markii ay ku guulaysatay safiiraddii Maraykanka u fadhiday Qaramada Midoobay “Suzan Rice” in Golaha Ammaanku uu ku soo rogo Eratariya cunaqabataynno iyada oo ay ugu wacan tahay taageerada ay siiso Eratariya argagixisada Soomaaliya, mowqifkaas oo uu wali Maraykanku ku taagan yahay xitaa bilo yar kahor markii ay daldaloollo ka soo baxeen xiriirka Maraykanka iyo Jabuuti cabsida uu Maraykanku ka qabo dhaqdhaqaaqyada Shiinaha ee saa’idka ah ee qaaradda Afrika.

Wali way jirtaa cabsida uu millatariga Maraykanku ka qabo isballaarinta Shiinaha, taas oo keentay in Maraykanku uu isbadal qoto dheer ku sameeyo kharriidadda kala horraynta istiraatiijiga ah ee uu ka leeyahay Afrika, isaga oo istiraatiijiyaddiisa cusub ee difaaca qaranka meel sare ka galiyay Shiinaha iyo Ruushka, istiraatiijiyaddaas oo uu shaaca ka qaaday sanadkii 2018-kii, waana calaamaddii ugu dambaysay oo muujinaysa in uu badalay muhiimadihiisa in ka badan 15 sano kaddib oo uu xoogga saarayay la dagaalanka argagixisada.

Markii uu soo bandhigayay istiraatiijiyadda cusub ee uu ku xadidayay kala horraynta Pentagon-ka ee sanadaha soo socda, waxa uu ku tilmaamay wasiirka gaashaandhigga Jim Matis Shiinaha iyo Ruushka in ay yihiin dib u socodka ugu wayn oo ka shaqaynaya in ay abuuraan duni sidooda oo kale kali talis ah, inkasta oo Matis uu ku dadaalay in uu adkeeyo in la dagaalan ka argagixisadu uu ugu horreeya ajandaha Maraykanka, haddana waxa uu adkeeyay in suldada iyo awooddu ay yihiin waxa ugu horeeya ajandaha Maraykanka.

Xilligaas Washington cabsi wayn ayay ka dareemaysay in Jabuuti xaruntii konteenarrada ee Dooraale ay ku wareejisay shirkado Shiinays ah, kaddib markii ay ka soo ceshatay shirkadda Dakadaha Dubay, gaar ahaan markii ay Jabuuti la gashay heshiis dakad ballaarin ah shirka laga leeyahay Singabuur oo shirko la ah shirkado badan oo dowladda Shiinuhu leedahay, oo ay ugu muhiimsan tahay kooxda ganacdata Shiinayska ah oo runtii leh qaybta ugu badan ee dakadda.

Maraykankuna wuxuu si cad uga digay in qabsashada Shiinaha ee dakadda ay khatar ku tahay amniga qoowmiga Maraykanka, inkasta oo madaxda Jabuuti ay gaarsiinayeen Washington in aysan marna niyaysnayn in ay dakadda ku wareejiyaan Shiinaha, haddana Washington waxa ay ka walwalsan tahay in daymaha ku batay Jabuuti ay ku khasbi doonaan in ay ugu dambayn dakaddaasi ku wareejin doonto Bakiin, waana arrinta keentay in dadka qaar ay dhahaan Maraykanka waxaa u fiican in saldhiggiisa Afrika uu u raro waddan kale.

Si sahal ahna waxaa loo dhihi karaa in Eratariya ay noqon karto waddanka ugu horreeya ee ku guulaysan kara ajandaha cusub ee Maraykanka, Jabuutina ay noqon karto cidda ugu horraysa ee ku khasaartay, dhaqan galka heshiiska Itoobiya iyo Eratariya ayaa u ekaysiinaya Xukuumadda Geelle in ay kado ku noqotay isbahaysiyada goboleed ee cusub kuwaas oo Jabuuti ku haya cabsi ah in ay waydo lacagihii canshuuraha ahaa ee ay ka heli jirtay ganacsiga, iyo sidoo kale in dib u habayntan cusub ay saamayn ku yeelan karto kaalintii muuqatay ee dakadda Jabuuti ay ku lahayd Geeska Afrika.

La soco qaybta 8-aad…

Waxaa Tarjumay: Dr Maxamed Xasan Nuur

Hadalsame Media