Wasiirro Dibadeedka Somalia, Ethiopia & Eritrea oo hadda dhow u dhoofay dalka Jabuuti (Ujeedka)

0

(Casmara) 06 Sebt 2018 – Wefdi uu la socdo wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somalia, Axmed Ciise Cawad oo goor dhaw ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha Asmara, kuna wajahan Jabuuti.

Wasiirka ayaa qeyb ka ah wafdi ka kooban Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea oo ka shaqeynaya sidii loo soo afjari lahaa amuuraha ka dhex taagan labada dal ee Jabuuti iyo Eritrea.

Waxaa soconaya mubaadaro ka socota gobolka Geeska Afrika oo ku aaddan sidii nabad loogu soo dabbaali lahaa mandiqaddaa oo ah midda ugu mashaqo badan marka Afrika 5 gobol loo qaybiyo.

Hadalsame Media