QISH ku aaddan waxyaabaha ay ku heshiin karaan dalalka Somalia, Ethiopia & Eritrea

0

(Casmara) 06 Sebt 2018 – Waxaa magaalada Casmara ee caasimadda Eritrea ku sugan madaxda Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo, dhiggiisa Eritrea Isaias Afwerki, iyo RW Ethiopia Abiy Ahmed, kuwaasoo maanta si rasmi ah u gelaya shir 3-geesood ah oo masiiri ah.

HADABA MAXAA LAGA ARRINSANAYAA?

Wasiirka Warfaafinta Eritrea Yemane G. Meskel ayaa isagoo ka warramaya wuxuu sheegay in ay 3-da dal gaari doonaan heshiis ku aaddan in la yeesho xiriir dhow oo khuseeynaya juqraafiga, taariikhda, dhaqanka iyo diinta iyo danaha guud ee shucuubta dalalkaasi sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya iyadoo la ixtiraamayo madax bannaanida gayi iyo xornimada dal kasta.

Wasiirka ayaa sheegay in heshiiska 3-geesoodka ah ee ay gelayaan Eritrea, Ethiopia & Somalia uu ku qotomo dhismaha xiriir dhow oo siyaasadeed, dhaqaale, bulsho, dhaqan iyo amaan, si loo hormariyo xasilloonida iyo nabadda gobolka guud ahaan.

Waxaa sidoo kale haatan Jabuuti ku maqan wasiirrada dibedda ee dalalkan si xisaabta loogusoo daro dalka Jabuuti, taasoo u badan inay mira dhasho si heshiiska loo ballaariyo.

Dadka ka faallooda arrimaha gobolka ayaa arrinta il taxaddar leh ku eegaya, iyagoo qaba in ay wax wanaagsan tahay haddii uu iskaashi dhexmaro dalalka oo ay colaado ay isu qabaan dib u dhigeen, balse ay halis tahay haddii ay jiraan dano qarsoon oo ku hoos jira.

Hadalsame Media