INTER VS SPURS: Ma malayn kartid degdegta loo iibsadey tigidhada San Siro!

0

(Milano) 06 Sebt 2018 – Ciyaarta 1-aad ee ay Inter Milan ciyaarayso koobka Champions League ee kaga hor tegeyso Tottenham Hotspur ayaa la filayaa in wada iibsado, jeer durba la gaday 60,000 oo tikit.

Kooxda Nerazzurri oo muddo kaddib kusoo laabatay koobka muruqya waynta qaaradda ee CL ayaa waxaa qoorta loo surey guruub adag oo ka kooban Spurs, Barcelona iyo PSV, taasoo ay ugu wacan tahay iyada oo ku jirtey dheriga 4-aad.

Yeelkeede, taageerayaasha oo muujinaya xamaasaddooda ku aaddan soo laabashada Inter ee Champions League ayaa 60,000 oo tikit ku iibsadey 12 maalmood oo qura si ay u daawadaan kulanka Inter vs Tottenham, iyadoo ay aad ugu badan tahay in la wada iibsado garoonka oo qaada 85,700.

Hadalsame Media