DHEGEYSO: Laacibkee qaadan kara Xiddignimada Adduunka? (Tebintii Xaaji)

0

(Hadalsame) 06 Sebt 2018 – Waxaa lasoo saaray liiska 3-da laacib ee iskugu soo hartay abaalmarinta laacibka ugu wanaagsan adduunka oo ay haatan ku xafiiltamayaan 3-da xiddig ee Ronaldo, Modric iyo Maxamed Salaax, taasoo midkii guulaystey la shaacinayo 24-ka bishan Sebtembar, waxaana markii ugu horreeysey muddo 12 sano ah 3-da sare ka maqan Leo Messi.

HADABA XIDDIGGEE HANAN KARA?

Cristiano Ronaldo

Ronaldo fasalkii tegey wuxuu lahaa 6 gool oo qura jeer la ciyaaray kala bar horyaalka Spain ee La Liga Primera Division, balse kaddib waa u qaraxdey oo waa tii laba qaban waayay, ilaa magaciisa lagu qoray 26 gool oo maxalli ahaa fasalkii hore.

Halkaase kuma harin oo wuxuu hanad ka ahaa Koobka Horyaallada Yurub oo uu horyaalnimada markii 3-aad oo xiriir ah u hibeeyay hargaantiyaasha Real Madrid, isagoo 13 kulan ka dhaliyay 15 gool oo uu ku jiro mid lagu murmi karo inuu ahaa midkii ugu qurxoonaa kulankii Juventus. Maxaad kaloo weeraryahan ka rabi lahayd? Dabcan ma aha su’aal jawaabteeda lagu merganayo.

Dhanka caalami, Koobka Adduunka 2018 wuxuu ka dhaliyay 4 gool, balse xulkiisu siima taaq taaqin oo waxaa tareenka looga soo tuuray wareegga bug-baxda ama 16-ka.

Luka Modric

Croat-kan yari wuxuu sanadkii tegey qaatay fasal-ciyaareedkiisii abid ugu wacnaa. Matoorka mashiinka khadka dhexe ee magaalada Madrid, wuxuu ma huraan u ahaa guushii CL ee Real Madrid, isagoo deeto Croatia la tegey dhamaadka KA2018 oo waaya aragnimo la’aan iyo khaladaad garsoor looga xayuubsaday.

Yeelkeede, wuxuu Modric ku faani karaa inuu hantay laba abaalmarin oo gaar ah oo kala ah; xiddiggii ugu wanaagsanaa Koobka Adduunka 2018 xagaagan iyo midkii ugu wanaagsanaa Champions League sanad ciyaareedkii tegey, taasoo uu Ronaldo ka caroodey.

Maxamed Salaax

Markii uu ninkani AS Roma ka aadayay Liverpool dad badan baa hadal hayay, balse midkoodna sooma dhowaysanin inuu jebin doono rikoodhka gool dhalineed ee u yaalla horyaalka English Premier League iyo inuu Liverpool la tegi doono final-ka CL, 11 sanadood kaddib.

Ha yeeshee, waxaa hankii Salaax garabka ka jebiyay daafaca sida rafka ah wax u raaca ee Real Madrid, jaalle Sergio Ramos, kaasoo dhulka ku rukhuusay rajadii jookarka reer Masar ka lahaa inuu ka xiddigeeyo final-kii CL. Nasiib darradii Salaax halkaasi ka qabsatayna kama harin oo waxay dhegaha uga qaylinaysay ilaa Koobka Adduunka 2018 Ruushka lagu dhigay oo uu ku yeeshay door saf wanaaje ah.

Haddaba, marka intan oo idil la isku soo xooriyo waxay hilin wareedka Hadalsame la tahay inuu xiddigga adduunka qaadan doono xirfadle aan ka mid ahayn xiddigihii labada ahaa ee sanadihii tegey ku xafiiltamayay.

Kuwaas oo dabcan kala ah Messi oo laga soo tegey iyo Ronaldo oo aan rajo badan qabin marka la eego in lagu hor qaatay xiddignimada CL, waloow ay dad badani dood ka qabaan xeerka ay dookhan u cuskatay UEFA oo u muuqata mid eegtay bandhigga tartan kale, balse ka il duuftay midkeedii, sidaa darteedna waxay u badan tahay inuu markan abaalmarintaa midigta ku dhigo matoorka shida khadka dhexe ee Real Madrid, Luka Modric.

Maxamed Xaaji, Hadalsame Media

Hadalsame Media