Madaxwaynayaasha Somalia, Eritrea & RW Ethiopia oo caawa ku wada hoyanaya Casmara + Sawirro

0

(Casmara) 05 Agoosto 2018 – Waxaa haatan caasimadda Casmara ee dalka Eriteriya ku wada sugan wufuudda 3-da dal ee Somalia, Ethiopia iyo dalka martida loo yahay, kaddib markii uu halkaasi gaarey wefdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa gegada caalamiga ah ee Casmara uga hor tegey oo kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Eriteriya Afwerki iyo RW Ethiopia Cabbeey Axmed oo halkaasi sii joogey.


Waxaa halkaa berri ka furmi doona kulan 3-geesood ah oo ay dalalkani kaga arrinsan doonaan arrimaha gobolka iyo dib u habaynta xiriirka ka dhexeeya, waxaa kale oo ajandaha ka mid ah khilaafka Jabuuti kala dhexeeya Eriteriya, kaas oo ay Somalia isku dayayso inay dhexdhexaadiso.

Hadalsame Media