QORMO QOORAANSI MUDAN: ”Waxay igu naanaysi jireen DUGAAG” (Qaybtii 6-aad)

0

(Hadalsame) 06 Sebt 2018 – Markii aan hubiyay in uu go’ay ayaan hootadaydii qaatay oo inta aan dhiigga ka tiray oo guntiga gashaday Maka iskaga noqday, waayo dan kale dagaalka ka ma aan lahayn. Ma aan ka la jeclayn muslinkooda iyo mushriggooda, waxa uun baan u arkayay ilmo adeerro aniga addoomintayda u siman.

Sidaas ayay ahayd, sidaas ayaan ku soo dhacsaday dadnimadaydii beri hore la qafaashay. Aniga oo libin ku geeraaraya ayaan Maka ku noqday. Kolkii la iga horyimid ee la iga waraystay xaaladda dagaalka waxa aan sheegay in aanan war u hayn aan se anigu Xamse soo dilay. Warkaa dambe farxaddiisa ayay ku illaaween in aan dagaalka ka soo baxay iyo in aanan war kale ka keenin. Xamse in uu dhintay reer maka waxa ay u la mid ahayd in awooddii muslinku dhab u jabtay

Dagaalkaa waxaa si weyn ugu adkaaday reer maka. Kolkii la isu soo noqdayna waxaa i soo gaadhay war aan aad uga argagaxay. Warkaasi waxa uu ahaa Abuu Sufyaan maydkii Xamse inta uu iskor taagay in uu seef ku mudmuday isaga oo leh: ”Dhadhami, caasi yahow!” Waxa aan kale oo ogaaday Hinda in ay maydkii dooxday oo inta ay beerka ka la baxday cuntay, oo dhegaha, carrabka, sanka iyo dibnaha inta ay ka googoosatay ka dhigatay kuul, jijimo iyo waysaaqyo.

Warkaa aad baan uga xumaaday. Hinda iyo Abuu Sufyaan intaa waa ay iga la sarreeyeen. Haddana waan ogaa in ciilku waalay oo waa tii goobtii Badar qoyskooda lagu hoojiyay.

Waxaa kale oo i soo gaadhay Maxamed in uu aad iyo aad uga murugooday dilka adeerkii, anigana ii qaaday colaad aan mid la mid ah la arag. Waan ka garaabayaa colaadda weyn ee Maxamed iyo muslinku ii qaadeen, waayo ninka aan maydkiisa ka tallaabsaday waa kii ay raggooda ugu jeclaayeen.

Gaar ahaan Maxamed adeerradii Abuu Daalib ka dib isaga ayuu ugu jeclaa, waana ninkii ku hagoogtay berigii Maka lagu dibindaabyaynayay. Dhanka kalena waa geesigii Qureesheed, kolkii uu muslimayna waa Libaaxii Islaamka. Laakiin sidaa si ka sii weyn baan naftayda ugu garaabayaa, waayo dee jiritaanka dadnimadayda oo dhan baa shardi lagaga dhigay. Waa kee qofka aan samayn lahayni?

Kolkii dagaalkii laga soo noqday ee Maka la isugu yimid waxaa ii baryay waah cusub, waxa aanan noqday sidii qof cusub oo mar kale la abuuray. Waxa aan noqday qof bani aadan ah oo dadka ka mid ah, waxa aan yeeshay nolol xor ah oo qiimi leh, waxa aan yeeshay hawo adduun, dhaqasho iyo wax qabsi, waxa aanan u hawlgalay in aan magacayga iyo noloshayda kor u qaado. Ammaanta iyo weynaynta reer maka oo dhan baan helay, deeq dhaqaale oo badan ayayna hodankii carbeed igu bantookheen.

Dahabkii ay Hinda i siisay oo keliya ayaa adduun dhan ahaa kolkii ay iyadu xubnaha Xamse dahab ka dhigatay. Deeqsiyad abaalgudda ayay noqotay oo runtii markii aan xoroobay wax badan bay i tartay. Ninkaygii shalay addoonka ahaa mar qudha ayaan ka mid noqday mudanka Maka.

La soco qaybta 7-aad…

Qalinkii: Ibraahin Yuusuf Axmed (Hawd)

Hadalsame Media