KHIYAANADA QARNIGA: Sida ay Maraykanka & Imaaraadku isula qorsheeyeen KHAARAJINTA Jabuuti + Sawirro (Qaybtii 7-aad)

0

(Hadalsame) 06 Sebt 2018 Ciyaarta Qarniga – Bishii Abriil ayuu Yamamoto soo gabagabeeyay booqosho uu ku tagay Eratariya, waxa ayna ahayd booqashadii ugu horaysay ee masuul Maraykan ihi uu ku tago Asmara muddo sanado ah, isaga oo halkaa ka sheegay in dowladdiisu ay diyaar u tahay in ay dhexdhexaadiso Itoobiya iyo Eratariya.

Diblomaasiga Maraykanka ah ee Donald Yamamoto

Iyada oo ay jirto kaalinta wayn ee ay ka gaysatay Abu Dabey heshiisiinta Itoobiya iyo Eratariya, haddana waxaa xusid mudan in jadwalka hawsha heshiisiinta, ama haddii si kale loo dhigo qorshaha dhaqan celinta Eratariya uu ahaa qorshe Maraykan, halka ay Abu Dabey ka wadday Afrika socdaallo musaalaxo, sidoo kale waxaa ka socday xafiisyada wasaaradda arrimaha dibadda ee Washington dadaallo kale oo kuwaas garab socday, oo ay ka soo qayb galeen wasiirka arrimaha dibadda ee Eratariya Cismaan Saalax iyo Yamaani Gabriyeet, la taliyaha madaxwaynaha Eratariya, iyo sidoo kale raysulwasaarihii hore ee Itoobiya Hailemariam Desalegn.

Wadahadaladaas oo uu gar wadeen ka ahaa madixii arrimaha dibadda ee wasaaradda arrimaha dibadda ee xilligaas Donald Yamamoto. Dhawr usbuuc kahor wada hadalladii Washington siiba bishii Abriil ayay ahayd markii uu Yamamoto soo gabagabeeyay booqashadiisii uu ku tagay Eratariya, taas oo ahay booqashadii ugu horreeysey ee uu masuul Maraykan ah uu ku tago Asmara muddo dheer, weliba mid ka hadlaya dhexdhexaadin, taas oo ahayd wax aan horay looga baranin Maraykanka marka ay timaaddo u dhowaanshihiisa Asmara oo uu mar walba u arki jiray in ay tahay mid kamid caasimadaha Afrika ee ”sharci” ka bood ka ah colkana la ah Maraykanka.

Taariikhiyan, Maraykanku badanaa col ayuu la ahaa Eratariya, laga soo billaabo markii Ingiriiska iyo Maraykan ku ay soo jeediyeen in mustacmaraddii hore ee Talyaaniga lagu daro Itoobiya bilawgii kontomaadkii, iyada oo aysan Eratariyiintu rabin, mar dambana xilligii uu socday dagaalkii qaboobaa waxa ay taageertay Washington xaliifkeedii xayla Salaase oo ahaa boqorkii Itoobiya dagaalkiisii uu kaga soo horjeeday dagaal yahannadii Eratariyiinta ahaa.

Xitaa todobaatamaadkii iyo sideetamaadkii markii uu Itoobiya oo uu xukumayo Mingiste Xayle Maryam oo isbahaysi la ahaa Midowgii Soofiyeeti, Maraykanku col ayuu la ahaa Eratariyiinta, inkastoo xilligii maamulkii Clinton uu dhacay waxoogaa uu furfurmay xiriirka labada dal kaddib bilowgii sagaashamaadkii oo ay siisay kaalmo lacageed iyo mid millatari, haddana furfurnaantaasi meesha way ka baxday dhawr sano kaddib markii uu dhacay dagaalkii u dhaxeeyay Itoobiya iyo Eratariya 1998-kii markaas oo Washington ay joojisay in ay hub ka iibiso Eratariya.

Madaxwaynaha Eritrea Isaias Afewerki

Intii lagu jiray xukunkii maamulkii George W. Bush-kii yaraa Eratariya waxa ay ahayd mid kamid ah faylasha ay sida cad isugu khilaafsanaayeen diblomaasiyiinta iyo askarta sar sare ee Washington, diblomaasiyiintu waxa ay u arkayeen Asmara in meel waxba ku kallifaynin si ay ugu dhagto qiyam uu Maraykanku sheegto ee xuquuqul insaanka iyo dimoqraadiyadda, ka sii horna siyaasiintu sida badan waxa ay siiyeen Itoobiya miisaan wayn oo cad iyaga oo fiirinaya maslaxadda Itoobiya, dariska xajmiga wayn ee ee boqolka malyan ah, halka masuuliyiin waawayn ee Bentagon-ku ay udoonayeen ilaa iyo waqti hore in si dhow loola dhaqmo Eratariya ilaa iyo xilligii wasiirkii arrimaha dibadda ee hore Donald Rumsfeld kaas oo ka hadlay sanadkii 2002-dii, dadaalada Eratariya ee la dagaalanka argagixisada iyo faa’iidooyinka uu Maraykanku ka helayo haddii lala dhaqmo.

La soco qaybta 8-aad…

Waxaa Tarjumay: Dr Maxamed Xasan Nuur

Hadalsame Media