RW Itoobiya oo u duulay dalkiisa + Sawirro (Waxyaabihii u qabsoomay)

0

(Casmara) 06 Sebt 2018 – RW Itoobiya ee Abiy Ahmed iyo wefdigiisii ayaa ka dhoofay magaalada Casmara iyagoo dib ugu laabanaya magaalada Addis Abeba kaddib booqasho rasmi ahayd oo uu laba maalmood halkaasi ku joogey.

Dr Cabbeey ayaa intii uu Eritrea joogey ka qayb galay kulan madaxeed 3-geesood ah (Tripartite Summit) oo uu la yeeshay madaxwaynayaasha Somalia iyo Eritrea.

Wuxuu kaloo booqday dekedaha Casab iyo Musawac, isagoo xarigga ka jaray safaaradda Itoobiya ee Casmara oo calaamad u ah inuu si rasmi ah usoo laabtay xiriirkii diblomaasiyadeed ee labada dal.

Somalia, Ethiopia iyo Eritrea ayaa kala saxiixday heshiis 3 geesood ah, waxyaabihii kasoo baxayna waxaa ka mid ah inay dalka Jabbuuti u direen guddi isku dhaf ah oo shirkan lagu dhisay oo ay hor kacayaan wasiirrada dibedda ee 3-da dal.

Hadalsame Media