Dayuurad siddey wefdi ka socdey dowladda Somalia oo Kenya lagasoo celiyay (Sabab cajiib ah)

0

(Muqdisho) 05 Sebt 2018 – Xalay ayaa la sheegay in Magalada Nairobi gaar ahaan Garoonka Diyaaradaha ee Jomo Kenyatta laga soo celiyey Diyaarad ka baxday garoonka diyaaradaha Magalada Muqdisho taas oo uu saarnaa Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale, sida ay sheegtay idaacadda Dalsan.

Diyaarada oo aheyd  Indian Ocean ayaa dib loogu soo celiyey Magalada Muqdisho kaddib markii laga mamnuucay inay ka degto Garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta, waxana soo celistaas ka soo baxaya Warar kala duwan iyadoo horay loo sheegayay sababo waqtiga la xiriira.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Diyaarada uu ka dhacsanaa Aqoonsigii ay ku Shaqeyneysay halka wararka qaar ay sheegayaan in aysan jirin wargelin ku aadaneyd in ay u safreyso Magalada Nairobi sidaasina lagu soo celiyey.

Dowladda Soomaaliya weli kama hadlin soo celinta Diyaaradaha Indian Ocean ee laga soo celiyey Magalada Nairobi ee dalka Kenya, iyada oo uu saarnaa Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale.

Hadalsame Media