UEFA oo dib u eegis ku samaynaysa xeerka goolka dibedda (Away-goals)

0

(Nyon) 05 Agoosto 2018 – Xiririka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa xaqiijisay inay ‘dib u eegis ku samayn doonto’ xeerka goolasha bannaanka ee loo yaqaanno (away-goals rule) dhanka tartamada Yurub.

Macallinka Juventus ee Massimiliano Allegri iyo dhiggiisa Napoli ee Carlo Ancelotti ayaa ka mid ahaa macallimiin joogtey kulan sanadeedka macallimiinta kaasoo ay kusoo jeediyeen in xeerkan wax laga bedelo.

Xeerka goolasha bannaanka (Away goals) ayaa markii ugu horreeysey la dhaqan geliyay sanadkii 1965-66-kii iyadoo lagu bilaabay Koobkii Koobabka ee la baabi’iyay, kaasoo lagu beddeley mid ka horreeyay oo ahaa in loo qori tuuro ama garoon 3-aad lagu dheelo kulan kala bax ah haddii lagu kala bixi waayo kulan laba lugoodle ah.

Marchetti ayaa sidoo kale daboolka ka qaaday in la isku raacay in ay dalal kale kusoo biiraan dalalka Ingiriiska iyo Talyaaniga oo horay u dhaqan geliyay inay suuqooda kala iibsiga xiraan ka hor inta aanu bilaabmin fasal-ciyaareedka.

Hadalsame Media