AABI MEEL OG: Israel oo qiratay arrin khalad ah oo ay kula kacday qarannimada Suuriya

0

(Tel Aviv) 05 Sebt 2018 – Ciidamada xoogga Israel ayaa qirtay in 18-kii bilood ee tegey ay in ka badan 200 jeer duqeeyeen fariisimo ku yaalla dalka Suuriya, kuwaasoo ay ku sugnaayeen ciidamo ay leedahay Iiraan, sida ay faafisay warbaahinta maxalliga ah ee Yuhuuddu.

Israel ayaa ku dooddayy inay ka hor tegeeyso in ay Iiraan ku xididaysato Suuriya iyadoon meesha ka saarin inay xitaa gudaha dalkaasi u diraan kumannaan ciidan oo lug ah oo ka tirsan IDF, tiiyoo ay jirto in uu dalkaasi yahay mid arrimihiisa u madax bannaan.

Ciidamada difaaca Yuhuudda ee IDF ayaa qirtay in ay Suuriya weerareen oo duqeeyeen 202 jeer, iyagoo ku ganay guud ahaan 792 iskugu jira bambooyin waawayn iyo gantaalo tan iyo 2017-kii, jeer ay xog siinayaan weriyayaasha ka hadla arrimaha ciidamada.

Israeli F-35 fighter jet © Amir Cohen
Qof ayaa ku dhintay, afar kalana waa ku dhaawacmeen duqayntii ugu dambaysay ee ay halkaa ka gaystaan.

Isaga oo ku faanaya ”guul” ay gaareen ayuu abaanduulka ciidamada IDF Gadi Eisenkot wuxuu baahiyay “warbixin sir ah” ah oo ka hadlaysa “kartida iyo diyaarsanaanta ciidamada IDF,” wuxuuna hoosta ka xarriiqay in ay dowladda Iiraan ay ka go’an tahay in ay sirdoon iyo saldhig ciidan ku yeelato Suuriya.

Hadalsame Media