Xasuuq ba’an ayaa loo gaystay Muslimiinta Rohinga: UN

0

(Muqdisho) 29 Agoosto 2018Xukuumadda Burma (Myanmar) ayaa ka soo horjeesatay warbixin golaha xaquuqul insaanka ee qaramada midoobay kaga hadleen xasuuqa loo gaystay Musliimiinta Rohinga ee dalkaas oo dhibaato culus ay u gaysteen ciidamada amaanku..

Guddi baaritaan oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa ku taliyey in maxkamad la soo taago saraakiil sare sare oo ka tirsan ciidamada ammaanka xukuumadda Burma kuwaas oo loo haysto dunuub culus oo xasuuq ah.

Burma ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay eededaha loo soo jeediyey ee la xariira xasuuqa Musliinta Rohinga.

Xukuummada Burma ayaa sidoo kale sheegtay inay diyaar u tahay inay ka jawaabto haddii ay jiraan suaalo dheeraad ah oo golaha xaquuqul insaanku doonayaan inay ka wadiiyaan eedaha cusub ee la soo jeediyey dalkaas.

Muslimiinta loo yaqaano Rohinga oo ah kuwa laga tira badan yahay ee ku nool dalka Burma ayaa la kulmay tacadiyadii ugu foosha xumaa ebid, iyadoona la isugu darro dil, dhac, kufsi iyo barakacin.

Hadalsame Media