War Cusub: Ciidamo Keenyaan ah oo lagu dilay deegaanka Lamu

0

(Muqdisho) 29 Agoosto 2018 – Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamada ammaanka ee Kenyan Col. Paul Njuguna ayaa sheegay in shan askari oo Keenyaan ah la dilay halka 10 kalena lagu dhaawacay weerar subaxnimaddii hore ee Arbacada maanta ah ka dhacay wadada Kiunga-Sankuri ee Jasiiradda deegaanka Lamu ee waqooyiga dalkaas.

Wuxuu ahaa weerar loo adeegsaday miino wadada dhinaceeda lagu aasay.

Sarkaalku ma uusan sheegin cida weerarkaan fulisay ama iyadu ka dambeysay. Ma jirto cid illaa hadda sheegatay weerarkan lagu dilay askarta Keenyaanka ah, hase ahaatee kooxda Al-Shabaab oo ka dagaalanta Soomaaliya ayaa inta badan dhabarka saaarata masuuliyadda weerarada nuucaan ah ee ka dhaca Kenya.

Bishii la soo dhaafay millatariga Kenya ayaa beeniyey warar sheegayay in lix ka mid ahaa ciidamadooda lagu dilay isla goobta uu weerarkani ka dhacay saaka.

Hadalsame Media