”Waa ninkii horumarka i gaarsiiyay, mase rabo waayo isku heer ma nihin!!

0

(Afrika) 29 Agoosto 2018 – Waxaan ahay gabar 26 sano jir ah waalidiinteydu waxay dhinteen anigoo 14 jir ah, waxaan waayey wax barashadeydii maxaa yeelay ma jirin cid iga dhiibta lacagta Schoolka.

Waxan is barannay wiil markaan gaaray da’da 16 jir wuxuu dib iigu celiyey iskuulkeygii maxaa yeelay wuxuu khudaar ku iibiyaa waddooyinka, sidaa ayuuna ku dabari jiray lacagteyda iskuulka.

Goor dambe ayuu shaqo helay wuxuuna noqday darawal cagaf cagaf wuxuuna markale ii diray jaamacad, hada waan soo dhameystay jaamacaddii waxaana ahay qareen ama looyarad.

Dhibka ugu wayn ee i haysta waa in aanan sii wadi karin xariirkiisa maxaa yeelay ”leebalkeyga ma ahan,” waxaan rabaa inaan guursado nin igu heer ah oo aan darawal cagaf wada aheeyn. Fadlan i caawi.

Gabar diiqadaysan.

Maxaad qoftaa kula talin lahayd?

Waxaa Diyaariyay: Farxaan Cali Xalane

Hadalsame Media