TALO ku socota dadwaynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya

0

(Hadalsame) 29 Agoosto 2018 – Walaalayaal, waxaad sanadkaan dhamaadkiisa aad dooran doontaan hogaamiyaha goboladda Koondur Galbeed 4 sano ee soo socota, hadaba waxaan talo idiinkugu soo jeedinayaa inaad doorataan hogaamiye leh astaamha wadaniyad, daacadnimo, hufnaan, Xil-gudasho, dulqaad, dad ururin, sarriig ama xishood, talo wadaag iyo midda ugu muhiimsan geesinimo amaanka lagu hanto.

Waxaan idinkaga digayaa inaadan dooran shaqsi leh astaamaha xun sida, mid talada maroorsado, sharciga baalmaro, xeerka dalka jebiyo, awooda ku tagri falo, xoolaha masakiinta si tooos ama dadban u lunsado oo aan awood u alahayn hanashada amaanka dadkiina iyo degaankiina. Waa inaad qofkaad dooraneeysaan uu yahay mid aaminsan Soomaalinimadda.

Maanta waxaad haysataan fursad ah inaad hoggaankiina berito aad ku doorataan si xor ah, waa inaad qofna aadan ku taageerin qabiil, saxiibnimo iyo dhaqaale yar oo adiga lagu siiyo, waa inaad hogaanka aad ku taageertaa wuxuu dalka iyo dadka u qaban karaa berito iyo mustaqbalka ilmahaaga.

Haddeey fursadaan maanta idiin dhaafto, waxaa hubaal ah inaadan berito aadan qofna ku eedi karin dhibka idiin haaysta oo ah nabad galyo xumo, caafimaad la’aan, wax barasho la’aan, shaqo la’aan, qaxooti, burbur iyo hurumar la’aan.

Waxaan tihiin dad ku raagay dhib, waxaad soo marteen waqti aad u adag, waxaad dib uga dhacdeen dadka kale ee Soomaaliyeed, idiinkoo ka faideeysanaayo qaladaadkii hore, waxaa maanta la gaaray waqtigaad saxi lahaydeen qaladaadkii hore si aad u badbaadisaan jiritaankiina dadnimo. BERITO QOFKALE AAD EEDI KARTO MA JIRTO OO AAN ADIGA AHAYN.

Wa billaahi Tawfiiq.

Waxaa Qoray: Sheekh Nuur A. Qaasim

AFEEF: Aragtida uu maqaalkani sido, waxay u gaar tahay qoraha ku saxiixan.

Hadalsame Media