Taliyihii ciidamada Maamulkii Cabdi Illeey oo xilka laga qaaday.

0

(Muqdisho) 29 Agoosto 2018 – Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Cumar ayaa xilkii ka qaaday taliyihii ciidamada Liyu Booliska ee maamulkii hore ee uu hoggaamin jiray Cabdi Maxamuud Cumar, Cabdi Illeey.

Wararka laga helayo Magaaladda Jigjiga ayaa sheegaya in taliye Laba-Go’lle oo xilkii laga xayuubiyey uu kamid ahaa xubnaha sida weyn ugu dhawaa Madaxweynihii hore ee xilka laga qaaday Cabdi Iley oo asna lagu xiray Magaaladda Addis Ababa maalmo kahor.

Madaxwayne Mustafe ayaa taliyaha cusub ee Ciidamada deegaanka u magacaabay Mohamed Abdi Mawsar .

Liyu Booliis ayaa lagu eedeeyey tacadiyo waaweyn oo ka dhan ah shacabka deegaanka Soomaalida.

Hadalsame Media