Dadka baraha bulshada dhiga jimicsiga ay sameeyaan oo la sheegay in ”JIRRAN YIHIIN!!”

0

(London) 26 Agoosto 2018 – Ma tahay ama ma leedahay asxaab baraha bulshada sida Facebook soo dhiga sawirrada layliga jireed ee ay sameeyaan? “Waxaan ordaa 15 mayl shaqada ka hor” waa qoraal ku saabsan wax wanaagsan misna ka xanaajis ah.

Cilmi baarayaal ka tirsan jaamacadda Brunel University ee London ayaa soo saaray natiijada daraasad ay ku sameeyeen dadka baraha bulshada soo dhiga jir dhiska ay sameeyaan. Mana aha natiijo ay dad badani jeclaysan doonaan.

Dareen & sumcad raadin sidii balwad loo qabatimo

Daraasaddani waxay leedahay dadka baraha bulshada soo dhiga shaqooyinka ay jiimka ka qabtaan, ama xitaa orodka caadiga ihi waa anaaniyiin nooca aadka isul baxsan ee narcissist-ga ah, taasoo ah xaalad ama bugto nafsaani ah.

Sababtu waxay tahay inuu qofkani ogyahay inuu dareen iyo danayn dheeraad ah ku helayo arrintan, waayo qoraallada noocan ihi waxay helaan riyaaq ama ‘like’ ka badan kuwa kale.

“Narcissists-ku waxay badanaa ku faanaan guulohooda, waxaana middaa waraabiya baahida ballaaran ee ay had iyo goor u qabaan dareenka iyo qiimaynta dadka (attention and validation)”, ayay daraasaddu leedahay.

Tan kale, inuu qofku ‘like’ saaray qoraalkaa iyo murqahaa aad soo post-gareeysay marna kama dhigna ictiraaf, ogolaansho iyo jacayl uu qofkaasi u qabo, mataataca iyo faanka meesha ku qoran, sida ay daraasaddani qabto.

Hadalsame Media