Hooska Conte oo mar kale dul hoganaya Gattuso

0

(Milano) 26 Agoosto 2018 – Kooxda AC Milan ayaa xalaytoole guuldarro qaraar oo 3-2 ahayd waxaa khasab ku laqsiisay Napoli iyadoo ay warsidayaashu qoreen ”inaan Napoli ciyaarta kusoo laabanin, balse ay Milan ciyaarta ka laabatay”, waxaana durba dib usoo laabtay hadal hayntii Antonio Conte oo uu markale harkiiisu dul hoganayo Gennaro Gattuso oo xalay khaladaad badan sameeyay.

Kooxda Rossoneri ayaa 2-0 marsiinaysay ciyaarta oo ka dhacday Stadio San Paolo, yeelkeede, 30-kii daqiiqo ee ugu dambeeyay ayay Milan u tagtay sidii koronto, waxaana ku heetey Napoli oo 3 gool ku hurguftey.

Sidaa darteed, Calciomercato.com, ayaa haatan qoraya in maamulka kooxdu uu markale ka fikirayo keenista Conte, wuxuuna Conte shalay tarabuunka fadhiyay kulankii ay Juve 2-0 dirtay kooxda Lazio.

Sheekada Conte ayaa waxaa bilaabay taliskii hore ee Yonghong Li, raggii majaraha u hayay sida Marco Fassone iyo Massimiliano Mirabelli, waxaana sidoo kale la dhacsan maamulka Elliott Management iyo Leonardo, balse wax kasta waxay ku xiran yihiin kulamada soo aaddan.

Hadalsame Media