Kali-taliye TOL ma leeyahay? (Ka bogo tahluukada uu kali-taliye ku hayo tolkiisa)

0

(Hadalsame) 26 Agoosto 2018 – Afeef; Qormadaan ulama jeedo reer iyo deegaan gaar ah, lkn waxaan rabaa in aan idinla wadaago dhaqan xun oo ragaadiyey 50 sano Qaran-keena iyo mustaqbalka Somaaliya, welina aan wax laga baran.

Kali-taliye, Diktator, Qab-Qable, Dagaal-ooge, Hogaamiye-kooxeed iwm, waa magacyo aan baranay 50 kii sano ee lasoo dhaafay lkn lagu qurxiyo mar kasta; Madaxweyne, Hogaamiye, Gudoomiye, Mujaahid, Amiir iwm.

Waxaan tusaale kooban u qaadanayaa Markhaati aan ka aruuriyey dadkii ugu dhawaa Tol ahaan Madaxdii Militeriga, Jabhadaha iyo Gobalada ee nasoo maray 50 kii sano ee ugu danbeysay (وشهد شاهد من أهلها)؛

1. Shalay waxaan dhageystay xubin ka tirsan Xizbiga Shacbiga Soamli-galbeed ee uu hogaaminayey Cabdi Ilay isaga oo leh; “Tacadiyadii ugu ba’naa ee laga galo bani’aadam ayaa ka dhacay Jigjiga oo uu geestay maamulkii hore”, Odayaal reer Jigjiga ah ayaa ii sheegay “In Amxaaro aysan u geesan dhibaatadii ay kala kulmeen Cabdi Ilay iyo Tegree oo dhinac ah iyo Jabhada ONLF garabka hubaysan oo dhinac kale ah” waxa Tacadiyada ugu daran ku dhaceen Tolka Cabdi Ilay.

2. Waxaan dhageystay muuqaal (video) uu duubay nin reer Somaliland ah “Xasuuqii ay Jabhadii SNM u gaystay Somaliland mid la mid ah kama dhicin Somaaliya oo dhan” nin reer Hargeysa ah ayaa isna ii sheegay in Hargeysa kaliya ay SNM ku dishay kana qaxisay in ka badan 50 kun qof sanadkii 1994 kaliya.

3. Waxaan wareystay qaar ka mid ah Madaxdii asaastay Jabhadii USC oo yiri “waxaan ka dhiidhinay dulmi iyo tacadi loo geestay Tolkeen lkn waxaan gelinay una geysanay dhib iyo tacadi ka badan toban jibaar kii aan ka xorreynay”.

4. Waxaan waydiiyay qaar ka mid ah xubnihii SSDF maxaa laga faa’iiday halgankii dheeraa? Waxa ay ku jawaabeen “Nama soo marin dhibaato iyo dib u dhac ka daran xilligii SSDF Tol ahaan iyo Deegaan ahaan”.

5. Waxaan waraystay qaar ka mid ah Tolkii Madaxweyne M. Siyaad Barre, maxaad kala harteen? Waxa ay ku jawaabeen “Eed, Qax, Qaxooti iyo Gobalkeennii oo ugu liita nolosha Gobalada kale”.

Hadaba waxaa iswaydiin mudan:

1. Hadii Tolku uusan ka qaba karin wiilkooda ama wiilashooda dulmiga iyo xad-gudubka ku dhacaya iyaga iyo dadka kale! Maxay u diidayaan in ay doortaan Wiil kale oo Cadaalad ku xukuma?.

2. Haddii Kali-taliyuhu Eeda iyo Dulmiga uu galo uga tegayo Magaca Tolkiis! Maxaa diidaya in laga beri noqdo?

3. Haddii Kali-taliyuhu u fasiro dhibaatada iyo xad-gudubka uu ku hayo Reeraha iyo Gobalada kale Difaaca Kursiga iyo Xuduuda Tolka iyo Iska caabinta Cadawga Tolka iwm, dhibka uu Tolka u geestana ku fasiro; Dagaal sokeeye, Isku-dhac Walaalo iwm, sow dhibka sokeeye kama xanuun badna kan shisheeye?.

4. Dhaqanka Kali-taliye ma jecla in Tolku la qeybsado Talada, Awooda xukunka Iyo Hantida isaga oo ka baqaya in ay la sinmaan ama ay Awood yeeshaan! Tolku maxay u jecelyihiin in uu sii joogo ama mid kale oo Tolka ah lagu bedelo?.

5. Haddii aanan arag 50 sano kali-taliye Ammaan iyo Horumar u keenay Tolkiis magaca uu rabo ha watee! Lkn aan hayno Kali-taliye uga tegay Tolkiis; Magac xumo, Ihaano, Dhimasho, Dhaawac iyo Naafo, Qax iyo Barakac, Facaa ka har iyo Dib u dhac iwm! Diyaar ma u nahay in aan doorano Qof aan tol aheen oo Cadaalad nagu Hogaamiya lalana Xisaabtamo?.

6. Haddii Magacyadii Jabhadaha, Maamul-gobaleedyada, 4.5 yada, Dawlad-deegaanada, Kalitalis-Toleedka iwm lagu hongoobay, laguna Khaaray 50 sano ma wada baadi goobnaa hal-Magac, hal-Calan, hal-Hogaamiye Tolka uu rabo ha noqdee?

Hadaba waaya aragnimada iyo aqoonta Somaalida 50 sano kadib waxaan rajaynayaa in laga gudbo “Faqi Tolkii kama Janno tago” “Tolkaa iyo Kabtaa dhexda ayaa looga jiraa” loona gudbo yaa na gaarsii kara: Dawladnimo, Xorriyad buuxda, Karaamo, Cadaalad iyo Sharaf. Korna u qaadi kara Magaca Somaaliyeed oo aannu wada harsanno.

W/ Qoray: Maxamed Gacal

AFEEF: Aragtida uu maqaalkani sido waxay u gaar tahay qoraha ku saxiixan.

Hadalsame Media