Faahfaahin ku saabsan dagaal culus oo ka dhacay gobolka Bay

0

(Baydhabo) 25 Agoosto 2018 – 11 ruux ayaa la dilay iyadoo tiro kalena dhaawacmeen kadib dagaal culus oo maanta ka dhacay deegaanka Daynuunaay oo ka tirsan gobolka Bay.

Dagaalkaan ayaa yimid kadib markii dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab weerar ku qaadeen saldhig ciidanka koofur galbeed ku leeyihiin deegaanka Daynuunaay.

Ugu yaraan lix askari oo kuwa koofur galbeed ah ayaa la xaqiijiyey in dagaalka ay ku dhibteen halka shan ka mid ah kooxda Shabaab la dilay sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan maamulka koofur galbeed oo la hadlayey qaar ka mid ah warbaahinta gudaha.

Saraakiisha ayaa sheegay in ugu danbeyntii ay ka guulaysteen kooxihii soo duulay sida ay sheegeen.

Hadalsame Media