Eed laga sheegtay hoggaanka sare ee maamulka Jubbaland

0

(Muqdisho) 25 Agoosto 2018 – Eedeymo culus ayaa loo jeediyey hoggaamiyaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe iyadoo ay xoogaysanayaan ismaan-dhaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya hoggaanka Jubaland iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Cabdinaasir Seeraar oo mar ahaa afhayeenka Axmed Madoobe kana mid ahaa dadka la soo jabhadeeyey Axmed Madoobe ayaa sheegay in maamulka Jubaland uu fashilmay sababo uu ku sheegay hoggaan xumo.

Waxaa ku eedeeyey Madaxwayneha Jubbaland waxyaabo ay ka mid yihiin caburin shacab iyo mid siyaasadeed.

Mr. Seerar ayaa sidoo kale ka digay muddo kororsi uu sameeyo maamulka iyo hoggaanka Jubbaland waxana ku baaqay in Jubbaland u baahan tahay samatabixin deg deg ah sida uu yiri.

Hadalsame Media