SSC NAPOLI VS AC MILAN: Safafka & shaxda ay caawa kusoo geli karaan!

0

(Napoli) 25 Agoosto 2018 – Kooxda AC Milan oo aan weli dheelin ciyaar ka tirsan horyaalka Serie A-da Talyaaniga ayaa caawa kulan-bilowgeeda la ballansan kooxda SSC Napoli oo ay ugu martin doonto garoonkeeda, waxaana ciyaartaa ku kulmi doonta rag marna isla soo ciyaari jirey, marna macallin isu ahaa, sida Ancelotti, Maldini iyo Gattuso.

Dhanka Napoli: Shakiga qura ee Ancelotti haystaa waa dhanka goolwalaha, waxaana boos isku haya Ospina iyo Karnezis. Weerarka waa Callejon-Milik-Insigne, waxaana kaydsan Mertens. Waxaa loo yeerey Ghoulam oo muddo dhaawac ahaa, waxaa maqan Meret, Younes, Chiriches iyo Fabian Ruiz.

Dhanka Milan: Rino Gattuso wuxuu kusii soconayaa shaxdii sanadkii tegey ee 4-3-3, waxaa se ka ganaaxan Calhanoglu, waxaana loo badiyay inuu ku bedeli doono Borini, halka Bonaventura uu buuxin doono booska nus-garabka khadka dhexe oo markii hore Bakayoko loo saadinayay. Daafaca waxaa boos dhexe isku haysta Caldara iyo Musacchio waxaana cad cad ninka dambe. Donnarumma, ayaa goolka qabanaya isagoo ka horreeya Pepe Reina. Looma yeerin Montolivo.

KAYDKA LABADA KOOXOOD

  • 25 OSPINA, 22 MARFELLA, 31 GHOULAM, 19 MAKSIMOVIC, 2 MALCUIT, 13 LUPERTO, 42 DIAWARA, 9 VERDI, 30 ROG, 11 OUNAS, 14 MERTENS
  • 25 REINA, 90 A. DONNARUMMA, 56 SIMIC, 20 ABATE, 33 CALDARA, 4 JOSE’ MAURI, 93 LAXALT, 91 BERTOLACCI, 14 BAKAYOKO, 77 HALILOVIC, 7 CASTILLEJO, 63 CUTRONE

GANAAXAN

  • Çalhanoğlu

AAN LA HELI KARIN

  • Younes, Meret, Chiriches, Ruiz
  • Conti, Strinic, Zapata, Montolivo

Hadalsame Media