WAX BADAN KA BARO: ”Waxaannu la nool nahay kuwii eheladeenna LAAYAY” + Sawirro

0

(Kigali) 25 Agoosto 2018 – Waxa aannu la nool nahay, kuwii eheladayada laayay, waliba iyaga ayaa aannu dib u xanaanaynaa! Tusaale ahaan, Waxa guriga iga soo hor jeeda deggan, ninkii dilay, siddeed qof oo aan walaalo nahay, hooyaday, iyo aabbahay. Keligay ayaa ka hadhay qoys ka yaga. Iska daa qoys kayagee, xataa ehelkayga qof kama noola.

In aan dilo ninkaas reer Rwanda macno iima samaynayso, sababta oo ah dadkaygii masoo nolaan doonaan, in aan necbaado oo aan colaadiyaana wanaag iima soo kordhinayso. Haddaan dilo maanta waxa aan dilay, qof berrito haddaan dagaal galno dalkayga difaaci lahaa. Waa danyar, aniga ayaa noloshiisa kaba oo caawiya.

Lacag iyo raashin wixii ahaan heli karo ayaa aan ku caawiyaa. Marka laga tago dhibka uu i gaadhsiiyay, waa uun qof reer Rwanda ah oo walaalkay ah. Ha noolaado, aniguna waan cafiyay! Waayo noloshiisu tiro ahaanna wayna kordhinaysaa, tayo ahaanna waxbay nagu daraysaa!

Marka aniga layga tago, dadkaygu dhammaan waa ila mid. Intii aannu colaado ku naafoobi lahayn, ee aannu qaxoonti ku noqon lahayn dalal shisheeye oo na yasa, ama aannu nin cad tuugsan lahayn, waxa aannu go’aansannay waxa na mideeya in aannu u tanaasullo oo ah danta dalyaga iyo dadkayaga. Taasina waxa ay ku iman karaysay in aannu isu fidinno, cafis guud.

Wixii dhacay ayaa aannu iska illawnay oo hore ayaa aannu u soconnay. Waa aannu is cafinnay oo dhexda yada ayaa aannu ka dhalinnay is jacayl walaaltinimo iyo wada dhalasho. Waxa aannu go’aan ku gaadhnay in aannu Afrika da kale tusaale nool u noqonno.

Afrika iska daaye dunida oo dhan ayaa aannu u nahay tusaale qurux badan oo lagu daydo. Dalalka Afrikada aad u gumaystay ee illaa hadda ay dhiggayo qaxoontiga ku yihiin, nabadda aanu samaysannay ayaa ay ku raaxaystaan iyo dalkayaga quruxda badan.

Waa mid ka mid ah qiimaha aannu dalal badan dheernahay. Taas waxa kuu caddaynaaya adiguba maa aad timaaddeen haddii dalkayagu aanu nabad ahayn!!

Nin lagu magacaabo GiSANURA NDAMYINA , oo ka mid ah dadkii reer Rwanda ee eheladoodii lagu laayay xasuuqii ay isku gaysteen, oo aan kula kulmay mar aan booqday KIGALI GENOCIDE MEMORIAL CENTER.

Kigali waxa ay ka mid tahay meelaha ay tahay in Soomaalida maantu wax ka barato.

W; Qortay: Hal abuur Nimca Abwaan Qorane

Hadalsame Media