MA DAAR MISE DIYAARAD: Qoyska reer boqor ee dalka Qadar oo iibinaya dayuurad cajiib ah + Sawirro

0

(Dooxa) 23 Agoosto 2018 – Dayuurad aan waxba dhaamin Boeing 747-8i cusub ayay iska iibinayaan qoyska boqortooyada Qadar, taasoo kaliya jartay 200 meerto, isla markaana samaysay 436 duullimaad.

Dayuuraddan ayaa qaadi karta 76 rakaab ah, iyadoo leh ku dhowaad wax kasta oo uu yeelan lahaa guri wayn oo qasri ah, marka ay timaaddo dhanka raaxada, qiimaha lagu doonayo dayuuraddan Boeing 747-8i waa 370 milyan oo doollar.

Dayuuraddan oo iyada oo dhanba la sameeyay 2012-kii ayaa waxay leedahay naqshad loogu tala galay qoys aad u ladan, waxayna ka kooban tahay xaafad dhan sida qol wayn oo jiif ah oo ay taallo sariir lamaanan, qol wayn oo fadhi ah, qolal kale oo loogu tala galay shirarka, musqulo waawayn oo Sauna leh iyo xitaa isbitaal u gaar ah.

Hadalsame Media