FALANQAYN: Sida ay dhibaato dhaqaale oo Turkey ku dhacdaa ugu baahi karto gobolka

0

(Hadalsame) 23 Agoosto 2018Bishii Luuliyo 22, 2018 ayaan maqaal aan uga hadlayo suurtagalnimada in xasarado dhaqaale iyo maaliyadeed ay adduunyada ka dhacaan 2019/2020 ka. Ka hor xilligii saadaashu ahayd ayaa waxaa soo ifbaxaya in dhibaato dhaqaale oo saamayn karta dalal badan ay ka bilaaban karto J. Turkiga. Ka aqri halkan maqaalkaas, haddii aadan horay u arag:  Ka aqri halkan maqaalkaas, haddii aadan horay u arag: 

Dowladda Ameerika, oo diidan xiriirka ganacsi iyo siyaasadeed ee sii xoogaysanaa ee J. Turkigu ay la yeelatay dowladaha Ruushka iyo Iiraan iyo Baadariga Andrew Brunson oo kiis maxkamadeed uu uga furan yahay Turkiga, ayaa tashuush ku furtay sarifka Liiraha Turkiga kuna kordhisay canshuurta Almuuniyamka,  Birta iyo badeecada kale oo ay J. Turkigu u dhoofiso Ameerika. 

Duulaanka dhaqaale ee MW Trump uu ku qaaday Jamhuuriyadda Turkiga (Allaha ka badbaadiyo Turkiga Jabka dhaqaale ee lala rabo) waxay keeni doontaa in xasarado dhaqaale iyo maaliyadeed ay ku faafaan wadamo kale, gaar ahaan kuwa dhaqaalahoodu soo korayo (Emerging Economies).  

Wadamadaan kuma taagna qoton dhaqaale oo adag waayoo waxaa ku taagan deyn badan oo Doolar ah mana haystaan kayd lacag qalaad oo ku filan oo waxay ku tiirsan yihiin lacagta ay la yimaadaan dalakooda maalgashadayaasha (capital inflow) si ay u daboolaan nusqaanka ku jira ganacsigooda caalamiga ah iyo miisaaniyadda dowladda (trade and fiscal deficits). 

Wadamada adduunka waxaa ka dhaxeeya oo isku xira dhaqaalahooda ganacsi wax dhoofin iyo soo dejin, adeegga macaamiisha, maalgashi, socodka lacagta (Capital flow), dadka, iyo macluumaadka. 

Xasaradaha maaliyadeed iyo dhaqaale waxay ka bilowdaan hal wadan (sidii horay uga dhacday Arjantiina, Taaylaand, Ameerika, iyo Giriiga) ama waax ganacsi sida bangiyada, suuqa sarifka, suuqa saamiyada, iyo hantida maguurtada ah (Real estate). Waxaa kale oo dhaliya kalsoonidaro ku timaada dadka iyo shirkadaha maalgashta (investors) suuqyada saamiyada iyo deymaha (stock and bond markets) ka dibna si degdeg ah dib ula baxa lacagtooda (capital flight).  

Wadamada Badeecada Ugu Badan u soo Dhoofiya J. Turkiga 

Jamhuuriyadda Turkigu waa wadanka 17aad (2017 nominal GDP) ee ugu dhaqaalaha badan adduunka waxaana xaqiiq ah in haddii ay dhaqaale xumo ku dhacdo (Allaha ka haayee) in ay saamayn doonto wadamada u soo dhoofiya J. Turkiga badeecada. Shaxda hoose waa 10ka wadan ee badeecada ugu badan u soo dhoofiya J. Turkiga.  

Wadanka  Qiimaha Badeecada (US$ Billion)  Saamiga ay ka tahay wax soo dejinta guud ee J. Turkiga 
Shiinaha  $23.40  10% 
Jarmalka  $21.30  9.1% 
Ruushka  $19.50  8.3% 
Ameerika  $11.90  5.1% 
Talyaaniga  $11.30  4.8% 
Faransiiska  $8.10  3.5% 
J. Iiraan  $7.50  3.2% 
Iswitsarland  $6.90%  3.0% 
Koofurta Kuuriya  $6.60  2.8% 
Ingiriiska  $6.50  2.8% 

 

Sida ay qirtay RW Jarmalka Marwo Angela Merkel, cidna dan uguma jirto xasiloonidaro dhaqaale oo ku dhacda Turkiga. Ururada ganacsiga ee Ameerika iyo Turkiga ayaa ugu baaqay MW Trump iyo MW Erdogan in ay xaliyaan xiisadda dagaalka ganacsi ee u dhaxeeysa labada dal.  

Dhigaalka Lacagta Qalaad ee Wadamada Dhaqaalahoodu Soo Korayo (Foreign Currency Reserves of Emerging Economies) 

Bangiga Dhexe ayaa wadan kasta u qaabilsan maaraynta kaydkooda lacagta qalaad oo u badan Doolarka Ameerika, Dahab, Qoraalada lacag Deyminta Dowladda Ameerika (US Treasury Bonds) iyo Kaydka la dhigto Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF Special Drawing Rights). Bangiga Dhexe wuxuu lacagta qalaad u kaydiyaa si: 

  1. Loogu maareeyo qiimaha ama sarifka lacagta wadanka. Tusaale, haddii Bangiga Dhexe uu rabo in lacagta dalka ay hoos u dhacdo si loo kordhiyo wax dhoofinta, wuxuu iibinayaa lacagta dalka wuxuuna soo gadanaa Doolarka Ameerika. 
  1. Loogu bixiyo kharajka badeecada la soo dejiyo (imports) iyo in lagu bixiyo daymaha ay dadweynuhu, shirkaduha, iyo dowladdu ka qabaan ajnabiga oo raba Doolar ama Yuuroo. Waxaa jira shirkado dibadda lacag ka soo deynsada marka dulsaarka dibadda uu ka hoos maro dulsaarka gudaha (Dulsaarku waa ka xaaraan ummadda Islaamka).  
  1. In ajnabiga maalgashta suuqyada maaliyadda la galiyo kalsooni (investor confidence) si aysan si degdeg ah ula bixin lacagtooda. 

Kaydka lacagta qalaad ee wadan kasta uu haysto waa in ay kaafisaa ugu yaraan qiimaha badeecada ay soo dhoofsadaan muddo 6 bilood ah iyo uga yaraan 12 bilood wadarta qiimaha waxa ay soo dhoofsadaan iyo deynta dibadda looga leeyahay. 

Sida ka muuqata shaxdan, qalalaase dhaqaale oo ku dhacda J. Turkiga wuxuu dhaawici doonaa kalsoonida ay dadka iyo shirkadaha maalgashta suuqyada maaliyadda ay guud ahaan ku qabaan wadamada dhaqaalahoodu uu soo korayo. 

Waxaa hoos ku xusan qaar ka mid ah wadamadaas oo aan haysan kayd lacag qalaad ah oo ku filan ama la mid ah ama waxyar ka badan inta ay ugu yaraan u baahan yihiin si ay u daboolaan nusqaanka ganacsigooda caalamiga ah (trade deficit). 

Waxaa ugu jilcan Turkiga, Koofurta Afrika, Arjantiina, iyo Maleeshiya. Waxaa xusid mudan in RW Mahathir Mohamed uu joojiyay mashruuc ah $20 Billion oo horay loo siiyay wadanka Shiinaha isaga oo ka walwalsan in deyntu ku badato wadankiisa Maleeshiya.  

Country  YTD FX     Current Account    Reserves Cover      Reserves       Adequate Level 
  (%)  (% GDP)  (%)  ($ Billion)  ($ Billion) 
Argentina  -17.2  -5.2  87  55  64 
Turkey  -12.9  -5.5  79  108  136 
Indonesia  -3.7  -1.9  131  125  96 
Chile  -3.1  -1.3  101  38  38 
Hungary  -3.0  +3.0  100  28  28 
South Africa  -2.6  -3.1  85  50  59 
Peru  -1.6  -1.8  294  64  22 
Romania  -1.0  -3.8  174  47  27 
Korea  -1.0  +4.9  118  398  339 
Croatia  -0.9  +2.6  116  20  18 
Mexico  -0.2  -1.8  104  178  171 
Egypt  +0.3  -4.0  177  41  23 
Malaysia  +2.5  +2.8  88  110  124 
Colombia  +3.9  -3.1  132  48  36 

 

Qatarta ugu badan ee haysata wadamadan soo koraya dhaqaala ahaan waa in Bangiga Dhexe ee Ameerika (The Federal Reserve) uu sii wado kororsiimaha dulsaarka ee loo yaqaan “Fed Funds Rate”. Waana wax la hubo in ay dulsaarkaas ay kordhin doonaan bisha soo socota ee Sebtembar 2018ka taas oo keeni doonta in maalgashadayaasha ajnabiga ah ay si degdeg ah ugala baxaan lacagtooda bangiyada iyo suuqyada saamiyada iyo deymaha (stock and bond markets) wadamadan. 

Lacagtan ajnabigu sida degdegta ah u keenaan wadamada dhaqaalahoodu soo korayo, si degdeg ahna ugala baxaan si ay uga faa’iidaystaan faraqa u dhaxeeya dulsaarka wadamadan iyo dulsaarka Ameerika waxaa la yiraahdaa Lacag Kulul (hot money).   

Deynta ay Qabaan Wadamada Dhaqaalahoodu soo Korayo 

Wadamo badan oo ka mid ah wadamada dhaqaalahoodu uu soo kobcayo, sida J. Turkiga, ayaa waxaa ku taagan deymo badan. Wadamada Yurub iyo Ameerika ayaa aad iyo aad hoos ugu dhigeen dulsaarka deymaha bangiyada si ay u xaliyaan dhaqaala xumadii ku dhacday 2007/2008di. 

Arrintan ayaana keentay in Lacagta Kulul (hot money) ay u soo wareegto wadamadan iyo in shirkadaha iyo dowladaha wadamada loo yaqaan “emerging economies” ay soo deynsadaan lacag badan oo Doolar ah si ay u balaariyaan ganacsigooda ama u dhisaan kaabaha dhaqaalaha ee wadamadooda. 

Tusaale ahaan, guud ahaan deynta dibadda oo ku taagan J. Turkigu waxay gaartay $464 Billion 3di bilood ee u horaysay sanadkan; $453 Billion (2017) oo u dhiganta 53.3% wax soo saarka wadanka (ama GDP).  

Deyntu waa culays saaran dowladda oo waxay yareysaa awoodda ay u leedahay in ay wax ka qabato haddii ay dhacdo xaalad dhaqaale oo degdeg ah (sudden capital outflow or external economic shocks). 

Waa ku adag tahay in shirkaduhu bixiyaan deynta ku taagan haddii lacagta dalku ay qiima dhacdo taas oo keeni karta in bangiyo badan oo deynta bixiyay irdaha loo xiro lacag la’aan awgeed. 

Jaantuskan hoose ayaan ka ogaan karnaa deymaha dibadda ee ku taagan qaar ka mid wadamada dhaqaalahoodu uu soo korayo.  

Gunaanad iyo Talo 

Dagaal dhaqaale hanti kama dhalato ee hanti ayaa ku burburta. Waxaa quman in MW Trump uu joojiyo duulaanka dhaqaale oo uu ku soo qaaday J. Turkiga. Nabar dhaqaale oo ku dhaca Turkiga (laa samaxa Allah) waxay noqon doontaa fitno dhaqaale iyo maaliyadeed oo ku faafta wadamo kale oo aan ku qotomin sal dhaqaale oo adag. 

Waxaan rajaynayaa in ay xag Allah ka xalismato arrintu oo xisbiga dimuqoraadigu helo kuraas badan doorashada xilliga dhexe ee Ameerika (midterm elections) ka dibna dacwad xafiis ka qaadis ah lagu soo oogo MW Trump oo uu sidaas ku baxo. 

Waxaan ugu baaqayaa ganacsatada Soomaaliyeed in ay ka soo guuraan wadanka Imaaraatka Carabta, oo ah bil sii dhacaysa ganacsi iyo siyaasad ahaanba, oo ay badeecadaha kala duwan ka qaataan suuqyada J. Turkiga. 

Waxaa u furan Soomaalida in ay Turkiga ka qaataan deganaasho (ciqaamad) oo ay xafiisyo ganacsi (sida xawaalado, bangiyo, hoteelo, maqaayado, adeegga rarista maraakiibta, iwm) ka furtaan ama dejiyaan qoysaskooda (sida ay sameeyeen siyaaasiyiin iyo qurba joog badan oo Soomaali ah). 

Inteena kale ee soo hartay, waa in aan ka gaashaamanaa xasaradaha dhaqaale iyo maaliyadeed ee imaan karo haddii uu MW Trump uu sii joogo oo saadaashaydu ay noqonweydo. Aan dhexda dhuuqsano oo kharajka aan loo baahnayn iska dhaafno, qofkii lacag haystana ha galiyo dhulka iyo guryaha, dahab, iyo geel. Qiimaha hantida dhabta ama dabiiciga ah (real assets) kor ayuu u kacaa waqtiga ay jiraan qalalaase dhaqaale iyo maaliyadeed.  

Wa Allah Aclam. 

W; D: Dr. Ismail Ali Siad 

Vice Chancellor, University of Somalia (Brighter Future) 

[email protected]www.uniso.edu.so 

Hadalsame Media

Facebook Comments