Wuxuu ahaa faqiir si fudud ku helay hamigiisii + Sawirro

0

(Accra) 23 Agoosto 2018 – Ninkani waa oday faqiir ah oo ku nool dalka Gaana waxaana lagu magacaaba Xasan Cabdullahi. Waxaa uu ku nool yahay dalka Gaana ee Afrikada Galbeed.

Waxaa uu la kulmay sheeko noloshiisa macno u sameeysay noloshiisa. Sheekadan ayaa waxeey ku bilaabatay sidatan:

Telefeyshinka TRT ee dalka Turkiga, ayaa barnaamij filim ah ka diyaarinaayay tuullo dalka Gaana oo ay muslimiinta ku badan yihiin. Kooxdii filimka diyaqrineeysay ayaa la sheegay in ay cilad ku timid drone-hoodii kuna soo dhacday dhulka.

Mid ka mid ah sawir qaadayaashi ayaa baadi-goob u galay drone-kii. Waxaa ugu tagay oday ay agtiisa ku soo dul dhacday gacantana ku haya waxan yar ee ku soo ag dhacay.

Odeygii ayaa su’aalay odaygi kooxdii filin qaadayaasha ahaa in bahashan yar ay geeyn karto xajka oo daruufo dhaqaale darteed aadi kari waayey. Ugu dambeyntiina waxaa la sheegay in koxdii sawirka qaadeysay uu ku baahiyey barta Twitter-ka waxyaabihii uu Gaana ku soo arkay.

Dowladda dalkaasi ayaa su’aashii odeyga ka soo jawaabtay una dirtay xajka odeygii saboolka ahaa xajka ee uu maalintaas niyada gashtay in drone- ha geeyo Xajka.

W; D: Ikraam Cali Kaar

Hadalsame Media

Facebook Comments