DAAWO: Xujeeyda Soomaaliyeed oo ADEEG xumo & dayacaad ka ashtakoonaysa!!

0

(Maka) 23 Agoosto 2018 – Waxaa sanad kasta Xajka u qalab qaata Muslimiin ka kala timaadda daafaha caalamka, si ay u gutaan waajibaadka Xajka oo ka mid ah 5-ta tiir Islaam ee asaasiga ah.

Dadka Xajka sanad kasta aada waxaa dabcan ka mid ah dadwaynaha Soomaaliyeede ee Muslimka ah, waxaa laga soo sheegayaa daruuf adag oo soo food saartay kumannaanka Soomaalida ah ee sanadkaan Xajka u tagay Sacuudiga si ay waajibkaa u gutaan.

Dhibaatooyinkaas waxaa ka mid ah daryeel la’aan, dayacaad, xitaa dadka qaar oo lacago uun laga qaato balse aanba xitaa Xajka la keenin, qaar yimid oo la daayay iyagoo aan helin waxyaabo ay u baahnaayeen iyo adeeg heer ahaan hooseeya oo ay la kulmeen Xujeeyda Soomaalida ah, marka loo bar bar dhigo ummadaha ka soo xajiyey dalalka kale.

Halkan hoose ka DAAWO dacdarrada ka muuqata meesha ay Soomaalidu joogaan.

Hadalsame Media