DAAWO: Canada oo GUUXA gawaarida la isku ganaaxayo!! + Sawirro

0

(Edmonton) 23 Agoosto 2018 – Darawallada magaalada Edmonton ee gobolka Alberta ee dalkaasi Canada ayaa dabcan horay ula qabsaday kaamirooyin sawira ee dabeeto usoo dira ganaax ku aaddan xawaare iyo samaafare dhaaf.

Yeelkede, waxay magaaladani noqon doontaa tii ugu horreeysey woqooyiga Ameerika ee aanay kaamirooyinka kaliya eegi doonin xawaare, balse sidoo kale la dhegeysan doono darawallada iyo guuxa ama sawaxanka gawaaridooda oo misna taa ganaax loogu jari doono.

Kaddib cabashooyin sanado ka imanayay dadka degaanka oo ka caraysan sawaxanka xad dhaafka ah ee gawaarida, waxay maamulka magaaladu bilaabeen mashruux tijaabo ah oo socon doona min Agoosto ilaa Nofeembar.

Waxaa magaalada laga samayn doonaa ilaa 4 meel oo lagu xirayo kaamirooyin la mid ah sida kuwa raadaarka leh, balse waxa ay eeganayaan waa uun guuxa gawaarida, waxaana ku rakiban mikrofoon leh xadeeye sheegaya gaarigii dhaafay qadarkii loogu talagalay.

Marka la ogaado inuu gaari xadka dhaafay, kaamiro ayaa sawir ka qabanaysa taarikada gaariga gaariga, waxaana darawalka gaariga ama qofka mas’uulka ka ah cinwaanka gurigiisa kusoo dhacaysa warqad ganaax ah oo xitaa sheegaysa inta DECIBEL oo ay jabaqdiisu maraysay, iyadoo la adeegsanayo shaashado LCD ah.

Hadalsame Media