DAAWO: Rasaas la isku waydaarsadey faras-magaalaha Moscow + Sawirro

0

(Moscow) 23 Agoosto 2018 – Nin ayaa rasaas oodda uga qaaday laba sarkaal oo booliis ah, meel aan sidaa uga fogayn Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ruushka oo ku taalla bartamaha Moscow, waxaana rasaasta ku dhaawacmay labada sarkaal midkood, balse ninkii weerarka ahaa ayaa isna si xun loogu dhaawacay rasaastii jawaabta ahayd, isagoo haatan garaab ah.

“Nin, marayay jidka Sivtsev Vrazhek Lane ee Moscow ayaa rasaas ku furay laba askari oo booliis ah, iyadoo aysan muuqanin wax sabab ah, markii ay ag marayeen,” ayay tiri Yulia Ivanova, oo afhayeen u ah Guddiga Dabagalka Ruushka, oo la hadasay Interfax.

Labada askari ayaa ninka xabadeeyay kaddibna isagoo dhaawac ah aambalaas ugu yeerey kaddib markii ay dabkii ka dhigeen, waxaana durba la galeeyay dacwad ku aaddan inuu ninkani halis geliyay nafta saraakiil ka tirsan waaxda sharci oogista.

Muuqaal uu faafiyay hilinka Mash Telegram ayaa muujinaya ninka weerarka gaystey oo isagoo dhaawac ah dhulka yaalla, jeer ay booliisku sugayaan ciidamo gurmad ah iyo dhoollida bukaanka la roorta.

Halkan ka DAAWO…

Hadalsame Media